Hertoniemi, 19.12.2009, warsan media. Qaybtii labaad ee kulankii loogu gol lahaa suurtagalnimada sidii dib loogu laaban lahaa dhulkii hooyo ee Soomaaliyeed ayaa waxaa shalay oo Sabti ahayd 19.12.2009 waxaa lagu qabtay xarunta qaacada weyn ee Hertoniemi ee aroosyada lagu qabto.
Barnaamijkaas oo ay soo qabanqaabisay Warsan Media, isla markaana ururka Midowga yurub uu maalgeliayay ayaa waxaa ugu horaynba halkaasi ka hadlay gudoomiyaha warsan media, ahna isku soo dubaridaha barnaamijka Maxamed Muuse Seeraar.� Waxaana Maxamed uu ka waramay ujeedada barnaamijka , qaabka uu socdo iyo sida loo baahan yahay in loo dardargeliyo howlaha la xiriira dib u laabashada Soomaaliya si aan qasab ku jirin.
�
Sh. Axmed Nuur oo isaguna ku hadlayay magaca culimada Soomaaliyeed ayaa hadal qiime leh ka soo jeediyay barnaamijkaasi. Wuxuu sheekhu ka warbixiyay qaabka nololeed ee Soomaalida ku dhaqan kenya oo uu sheekhu dhowaan ka soo laabtay safar mudo ah oo uu halkaasi ku joogay isagoo halkaasi ku soo arkay qurba joog aad ufara badan oo ku soo laabtay Kenya qaarna ay soomaaliya ka soo laabteen oo� ay joogaan kenya iyo qaar ka yimid kanada iyo maraykanka, isagoo tibaaxay in dhainaca Nolosha iyo dacwada ay meel wacan ka marayaan. Waxaana� uu Sheekh axmed ka soo jeediyay goobta warbixin ay dadkii halkaas isugu yimid aad u jecleysteen.
�
Saciid Jaamac oo isaguna matalayay ururka Soomaali Liitto ayaa halkaasi warbixin dheer oo la xiriirta howlaha iyo waxqabadka ururka ka soo jeediyay iyo Muhiimada uu lee yahay barnaamijkan oo uu isaguba ka shaqeeyo hay ad dadka ka kaxaysa meesha ay joogaan marna usoo kaxaysa meesha aynu haatan ku nool nahay runtiina� maxamed musse iyo warsan media waan u hanbalyaynayaa guusha ay barnaamijkan� ka gaareen oo� runtii ay aad uga shaqeeyeen barnaamijkan, waana wax loo bahan yahay oo aad muhiim ah barnaamijkan iyo barnaamijyada umada wacyigalinaya kanina waa kii ugu mudnaa.
�
Maxamed muuse Cabdulle oo isaguna ku hadlayay magaca odayaasha Soomaliyeed ee Finland ayaa halkaasi warbixin dheer ka soo jeediyay. Maxamed wuxuu ka warbixiyay khibrada uu u leeyahay ku noolaanshaha dalkii hooyo oo uu hore muddo shan sano ah ku soo noolaa. Wuxuna xusay in ay lama huraan tahay in lagu fakaro, loona diyaargaroobo mar walba sidii wadanka dib loogu laaban lahaa isagoo hadalkiisa ku soo koobay murti runtii ahayd mid dadkii goobta joogay oodhan ay aad ugu farxeen .
�
Mukhtaar xaaji Abiib oo isaguna ka mid ah howladeenada Soomaaliyeed ee ka howlgala hay�adaha dalkan, islamarkaana khibrad dheer u leh arimaha dhalinyarada, ayaa hadal dher ka jeediyay goobta.
Waxaa uu Mukhtaar ka warbixiyay sida ay lama huraanka u tahay in waalidiintu ay caruurtooda baraan kana dhaadhiciyaan in ay yihiin Soomaali, islamarkaana ay leeyihiin dal u gaar ah, loona baahan yahay buu yiri in laga shaqeeyo sidii dalkii dib loogu laaban lahaa.
Mukhtaar wuxuu sheegay in aan la inkiri karin wanaaga iyo soo dhawynta Finishku noo qabteen, oo ay tahay arin ay ku mahadsan yihiin, haddana waxaa jirta oo maragmadoonto ah buu yiri in mar walba qofku haddii uusan ku noolayn dalkiisa uu ka yahay meesha uu joogo Ajnabi, taasoo� khasab uga digaysa inuu ka shaqeeyo , kuna taamo sidii uu dalkiisii dib ugu laaban lahaa, kana shaqayn laha horumarintiisa.
�
Axmed Wali daahir Xaddi oo ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ee ka howlgala isbitaalada dalkan Finland Iyo Dugsiyada Caafimaadka ahna bare wax ka dhiga dugsiyada caafimaadka ee Helsinki iyo Nawaaxigeeda ayaa isaguna ka warbixiyay xaalada caafimaad �ee dalka ka jirta iyo wxa looga baahan yahay qofku marka uu damco in uu ku laabto dalkiisa.
�
isku soo duub oo barnaamijkani oo qaybtiisii horena la qabtay bishii Oktoobar ee aynu soo dhaafnay ayaa ahaa mid dadkii ka soo qaybgalay ay aad uga heleen, iyagoo tilmaamay in ay lama huraan tahay in barnaamijyada noocan oo kale ah ee ka qaybqaadanaya kor u qaadida wacyigalinta bulshada la badiyo. �
Kadib waxaa loo gudbay Nasasho iyo cashadii loogu tala galay ka soo qaybgalayaashii ka soo qaybgalay Siminaarka.
waxaa ugu danbeyn loo gudbay wada sheekaysigii� iyo Suaalihii oo runtii udhacay si aad uwanaagsan laguna soo gaba gabeeyay barnaamijkii xalay ka dhacay Hertenimi Hoolkii ku yaalay oo ahaa (Paasivaarenkatu 6).
�
Hadduu eebe idmana wixii ku saabsan dhacdooyinka barnaamijyadaas waxaad kala socon kartaan� bogga internetka ee Idaacada Warsan .www.radiowarsan.com.
Comments are closed.