Wasiiradii rajada looga qabay Dawlad nimo oo la laayay halka la doonayo In la Tir tiro Dawladnimo

Updated About:897 days ago

qaraxmoqWararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaalya ayaa ku waramaya in qaraxa lagu dilay wasiiro ka tirsan dawlada KMG ah ee Soomaaliya iyo wariyeyaal ka tirsan saxaafada Muqdisho.

Warar aanu ka helayno ee  ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in qaraxaasi lagu diley wasiirkii hidaha & tacliinta sare Prof.Ibraahim Xasan Cadow, Wasiirkii Caafimaadka Qamar Aadan Cali, Wasiirkii waxbarashada C/laahi Waayeel, sidoo kale waxaa dhaawac soo gaarey wasiirka Ciyaaraha Saleebaan Colaad Rooble, qaraxaasi waxaa kaloo ku dhintey wariye Maxamed Amiin oo ka tirsan Idaacada Shabelle ee Muqdisho iyo wariye Xasan Subeer Xaaji Xasan oo ka tirsan xafiiska Tv-ga Al-Carabiya ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ka dhacay Hotel Shamow halkaasi oo ay ka socotey xaflad shahaadooyin lagu gudoonsiinayey ardey ka qalin jabisey Jaamacada Banaadir ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxaasi warar aan si buuxda loo xaqiijin sheegayaan in ay geysatey haweenay waxyaabaha qarxa isku soo xirtey oo ka mid aheyd dadkii ka soo qayb galey xaflada.

Wararka ayaa sidoo kale waxay intaasi ku darayaan in qaraxaasi sidoo kale ay ku dhinteen ilaa 9 ardey oo ka mid ahaa ardeydii shahaadada la gudoonsiinayey.

Comments (3)

Leave a Comment
The comments you read here belong only to the person who posted them. We do, however, reserve the right to remove off-topic comments.

  1. Muslim says:

    Alaha u naxiiriso dhamaan dadkii ku dhintay gacanta kuwa isku magacaabo iney muslim yihiin hadda baneystay dhiiga islaamka … alshabab iyo xusbul islaam waa dad dane shisheeye u adeegayo …

  2. Ayuub Ali says:

    INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN,SOMALI ILAAH HA KA SAMIRSIIYO MEESHAAS WAXAA KA DHACAY WAX MUCJISO AH,ARDEY LA OGYAHAY SIDA AY KU QALIN JEBIYEEN DARUUFAHA MAANTA SOOMALIYA KA JIRA ,GEEDKII AY BEERTEEN MUDADII 6 SANO AHAYD WAXAA LOOGU ABAAL MARIYEY IN LA ISKU QARXIYO OO KUWO DIIN ISLAAM SHEEGANAAYAAN ISKU QARXIYAAN,ILAAH HA U NAXARIISTO WAXAA DILEY GACAN KA GAR DARAN

  3. Hussein says:

    uhasuqen dadka somalida logestey on ah gardarad aduunka may kalmeyan somalida oo liska dildil ayigo wah galabsini ah alah alosha aya nahanuntey dilka gardarad oo loguhasugey somalid