Xaflado ay xilka kula kala wareegayaan Madaxda DKG.Soomaaliya oo maanta ka dhacday Moqdisho

Updated About:889 days ago

cawalemadobe

Xaflad si heer saro ah loo soo agaasimay oo ay ka soo qeyb galeen madaxda ugu sareysa dowladda KMG islamarkaana ay xilalka kulakala wareegayeen talisyadii hore ee Militariga iyo booliska iyo  talisyada cusub ayaa maanta waxaa ay ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya. 

Kadib xaflad balaaran oo ay ka soo qeyb galeen madaxda ugu sareysa dowladda KMG ee Soomaaliya oo galinkii dambe ee maanta ka dhacday Xarunta madaxtooyada waxaana munaasabadaasi xilalka kula kala wareegayay talisyada booliska iyo miltariga dowladda kuwii hore iyo kuwii dhawaantan loo magaacabay.

 

Madasha ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Xubno ka tirsan Wasiirada dowladda iyo Barlamanka KMG ee Soomaaliya,Madaxweynaha dowladdaKMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.

 

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo isgu ka hadlay goobta ayaa waxa uu kula dar daarmay taliyayaasha cusub in ay wax ka qabtaan howlaha ciidamada isagoona sheegay in tiradii ciidamada ay kor u kaceen tan iyo wixii ka dambeeyay bur burkii dowladii dhexe ee Soomaaliya.

 

“Waxaa dhacay waqtiyadii ugu dambeeyay waxyaabo fara badan oo ka fog sharciyadii ciidamada iyo wixii ay ku shaqeyn jireen labada taliye waxaana ka sugeynaa waxaa ay yihiin sharcigii ciidanka,waxaa ugu horeeyo kow in darajada la saxo waxaa ay ka baxday xadkeedii waxaa la waayay Alifle iyo Isbatoorayaal”ayuu yiri Madaxweyne Shariif.

 

Waxaa uu sheegay Sheekh Shariif in darajada oo badata ay dhaawaceyso wax qabadka ciidanka isagoo hadii ay yartahayna ku tilmaamay mid gacan siinaysaa ciidamada dowladda taasoo uu sheegay in ay kor u qaadayso daacadnimada iyo kartida ciidamada.

 

Sidoo kale Ra’iisul dowladda KMG ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo isna xafladaasi goob joog ka ahaa ayaa waxaa uu mahad celin u jeediyay taliyayaashii ciidamada boliiska iyo militariga dowladda KMG isagoona sheegay in ay qeyb ka geysteen jiritaanka dowladda KMG waxaana uu sheegay in dhabarka ay u dhigteen culuysyo badan oo ku yimid dowladda KMG.

 

Taliyihii hore ee ciidamada Boliiska dowladda KMG ee Soomaaliya C/xasan Cawaale qeybdiid oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ilaa markii loo magacaabay taliyaha booliska ilaa iyo hadda uu hormar buuuxa ka sameeyay ciidamada boliiska dowladda KMG ee Soomaaliya.

 

Ugu dambeyntii Wasiirka garsoorka iyo Cadaaladda dowladda KMG C/raxmaan Max’uud Faarax Janaqow oo isna goob joog ka ahaa madashii xil lagu kala wareejinayay Madaxdaasi ayaa ugu danbayntii halkaasi ku dhaariyay Taliyaha cusub ee melitariga dowladda Max’ed Geele Kaahiye iyo Taliyaha Booliska Cali Max’ed Xuseen Looyaan (Cali Madoobe).

Waxayna ku soo dham,aatay Jawiy aad uwanaagsan.

 

 

 
 

Comments (0)

Comments are closed.