Dad badan oo gudaha Haiti u dhimanayo dhaawacyadii kasoo gaaray dhul gariirka

Published on January 31, 2010 by   ·   No Comments

haitoDhakhaatiirta Maraykanka ah ee gargaarka caafimaaka u jooga wadanka Haiti ayaa sheegay in ay dad aad u fara badan oo Haitiyaan ah u dhimanayaan dhaawacyadii kasoo gaaray dhul gariirkaxoganaa ee wadankaasi dhowaan ka dhacay.

Mid kamid ah madaxda dhakhaatiirta Maraykanka ee ku sugan wadanka Haiti ayaa sheegay in ay haatan sii kordhayso tirada  dadka u geeriyoonaya dhaawacyada,waxaana uu sheegay in dhiigbaxyo xoogan iyo Infections-badan aad uu burburku u geystay dadkaasi ay tahay sababta ugu weyn ee ay la nafbaxayaan.

Waxaa uu kaloo dhakhtarka Maraykanka sheegay in ay tahaya tirada ugu badan ee dhaawaca u gooriyaanaysa Caruur ay da doodu aad u yar yar tahay,iyadona sida uu sheegay ay kor u dhaafyaan tirade caruurtaasi boqolaal.

Maraykanka ayaa haatan waxaa ka jooga gudaha Haiti ciidamo fara badan waxaana ay gacanta ku hayaan maamulka garoonka diyaaradaha Port O prine,waxaana kaloo ay ka shaqeeyaan qaybti gargaarka la gaarsiiyaya shacabka wadankaas kadib burburkii xooganaa ee uu wadankaasi u geystay dhul gariirkii Haiti.

Readers Comments (0)

Comments are closed.