Dagaalo iyo Madaafiic sababay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa galabta waxa ay ka dhaceen degmooyin katirsan gobolka Banaadir.
Gabaldhicii maanta ayaa dagaal mudo kooban socday waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah Wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho gaar ahaan Xaruntii hore ee Kuliyada Jaale Siyaad ee magaalada Muqdisho oo iminka fariisin u ah Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii sida la sheegay dhinacyada ka soo horjeeda dowladda KMG Soomaaliya iyo AMISOM ay weerar ku qaadeen xarunta Kuliyada Jaale Siyaad ee magaalada Muqdisho.
Labada dhinac ee dagaalamay ayaa mudo kooban waxa ay isweydaarsadeen hubka noocyadiisa kala duwan iyadoona dhawaqa rasaasta ay isku ridayeen labada dhinac ay cabsi ku abuurtay dadka faro ku tiriska ah ee ku haray agagaarka Kuliyada Jaale Siyaad ee magaalada Muqdisho.
Dhinaca Kale Madaafiic dhowr ah ayaa galabta waxaa lagu garaacay xaafadaha Waqooyiga ka xiga magaalada Muqdisho kuwaasi oo sababay qasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah.
Inta la ogyahay dagaalkii galabta iyo Madaafiicda lagu garaacay xaafadaha Waqooyi ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku geeryooday ilaa 2-ruux oo rayid ah halka ay ku dhaawacmeen ilaa 5-kale.
Dad ku dhaawacmay Madaafiicdii galabta lagu garaacay degmooyin katirsan gobolka Banaadir ayaa waxaa dhaawacyadooda loola cararay qaar kamid ah Isbitaalada magaalada Muqdisho gaar ahaan Isbitaalka Deyniile halkaasi oo la gaarsiiyay ilaa 4-ruux oo rayid ah islamarkaana ay waxyeelo ka soo gaartay Madaafiicdii galabta.
Xaalada magaalada Muqdisho ayaa Caawa ah mid degen iyadoona aysan jirn wax dagaalo iyo duqeymo ah oo ka dhacaya degmooyinka gobolka Banaadir.