Nin somaaliyeed ayaa toorey si xun ugu dilay haweenay ka tirsan xafiiska shaqada ee magaalada Holstebro,Denmark.
Kana mid ahayd Xafiiska gudida kala Duwan ee dawladda hoose magaaaldaasi.
Haweenaydan oo magaceedu yahay Birthe Christiansen, ayaa la sheegay inay ninkan u ahayd la taliyaha(consular) dhinaca shaqada iyo shaqaalaha.
Ninkaan ayaa la sheegay inuu ku sugay haweyneydan markay shaqada soo galeysey baarkinka baabuurta, wuxuuna ku dilay toorey uu la helay dhowr jeer.
Haweeynadan Danishka ah oo 52 jir ah, ayaa isla goobtaas ku naf weyday.
Booliska magaalada Holstebro oo ku taal galbeedka Denmark, ayaa soo gaaray goobtii dilku ka dhacay markiiba gacanta lagu dhigay ninkii Soomaaliga ahaa ee dilkan geystay.
Dilkan ayaa ah mid dhibaato u keeni kara jaaliyaadda soomaaliyeed ee ku nool dalka Denmark, iyadoo dhowaan nin kale oo Somali ah lagu eedeeyey isku day dil ninkii sawiray kartoonkii uu ku aflagadeeyey Nebigeena Maxamed Nabadgalyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee .
Ilaa hada lama oga sababta keliftay inuu ninkani geysto dilkan, waxaase socda baaritaan xoogleh oo ay wadaan Poliska Dalkaasi Denmark Iyo Jaaliyada Lafteeda oo doonaysa in arinta siwaadaxa ay u cadaato.