Safiirka Dawlada Maaykanka ufadhiya Wadanka Kenya oo ka hadlay Arimaha Soomaaliya

Updated About:841 days ago

hasaDowladda Wadanka Maraykanka ayaa waxa ay ka hadashay xaaladda iminka ka taagan gudaha dalka Soomaaliya. Safiirka Maraykanka ee u fadhiya dalka Kenya Mr.Michael Ranneberger oo shir jiraa’iid ku qabtay magaaladda Nairobi ayaa sheegay in xaaladda dalka Soomaaliya ay iminka tahay mid aad uu qalafsan. Wuxuuna sheegay in DFKM ah ee Soomaaliya ay iminka soo foodsaartay cadaadis kala duwan oo kaga yimi dhinacyada kasoo horjeeda ee Mucaaradka. Mr.Ranneberger ayaa sheegay in dhibaatada adag ee iminka dalka Soomaaliya ay kala yihiin Argagaxiisada iyo Burcad Badeeda, loogana baahanyahay Beesha Caalamka in ay wax ka qabato. Wuxuuna hadalkiisa ku daray in Dowladda Maraykanka ay diyaar uu tahay in ay wax ka qabato amuuraha dalka Soomaaliya, iyadoo uu sheegay in ay gacan siinayso DFKM ah. Ugu dambeyntii waxaa uu ugu baaqay Beesha Caalamka in ay si deg deg ah kaalmo uu soo gudbiso shacabka Soomaaliyeed si ay uga baxaan dhibaatooyinka haysta

Comments (0)

Comments are closed.