Waxaa sii kordhaya tirada dhimashada qaraxyo Maalinimadii shalay ka dhacay caasimada Ciraaq ee Baqdad,waxaana ay haatan gaarayaan inta la ogyahay 36 qof ,iyadoona uu dhaawacu dad kor u dhaaftay 71.
Qaraxyadan ayaa maalinimadii shalay gilgilay goobo kala duduwan oo gudaha caasimada Ciraaq ee baqdad ah,waxaana uu qaraxi ugu xooganaa ka dhacay bartamaha caasimada wadankaasi Baqdad gaar ahaan khadka cagaaran kaas oo inta badan shacabka ku dhintay qaraxyada ay ku geeriyoodeen deegaankaasi.
Qaraxa ka dhacay bartamaha Bqadad ayaa ahaa mid loola dan lahaa dhismayaasha iyo masuuliyiinta Ciraaqiyiinta ee degen deegaanka khadka cagaaran oo ah mid si weyn loo ilaaliyo.
Qaraxyadan ayaa yimid xili gudaha Ciraaq laga dareemayo diyaar garowga doorashooyinka bisha March ee soo socota ka dhacaya gudaha wadankaasi,waxaana inta badan ay abaabul ugu jiraan masuuliyiinta iyo madaxda doorashooyinka ka qayb galaya xodxodahada cododka doorashada sida ay ku heli lahaayeen.
Qaraxyada dhimashada badan sababay ee ka dhacay bartamaha Ciraaq ee Baqdad ayaa la filayaa in ay xiriir la leeyihiin doorashooyinka cusub kadib markii ay qaar ka tirsan masuuliyiinta xukuumada haatan ee Ciraaq diideen in ay doorashooyinka ka qayb galaan masuuliyiin horay uga tirsanaan jiray dowladii hore ee Sadaam xuseen.
Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka John bedan oo booqasho ku tagay Ciraaq ayaa madaxda ugu sarsareysa wadankaasi waxaa ay u sheegeen in aanu soo fara gishan siyaasada gudaha ee wadankooda.iyadoona ay ka codsadeen Maraykanka in lagu ixtiraamo xoriyadooda.
Qaraxyadan waxaa ay kaloo dheceen xili ay Xukuumada Ciraaq shaacisay in ay dal dashay wasiirkii hore ee difaaca dowladii Sadaam xuseen Cali Xasan Al majiid Cali Kiikimiko.
Comments are closed.