Ciidamo Itoobiyaan iyo kuwa Soomaali ah oo soo galay galabta qeybo ka mid Gobolka Bakool

askarWararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ah oo ay weheliyaan kuwa Soomaali ah ay soo galeen galabta qeybo ka mid ah Gobolka Bakool.

Sida ay sheegayaan dad goobjoogayaal ah ciidmada ayaa soo galay degmada Ceel Barde waxaana ay durba ka bilaabeen dhaq dhaqaaqyo ciidan.

Ciidamada Itoobiyaanka ah ayaa xoojin u ah kuwa ay wataan Aadan Maxamed Nuur (Sooransoor) iyo gudoomiyihii hore ee magaalada Baydhabo waxayna beeniyeen  in ay wehliyaan Ciidamo Ethiopian ah.

Aadan Maxamed Nuur (Sooransoor) ayaa u sheegay in ciidamada DFKM ay haatan diyaar yihiin wuxuuna sheegay in ay weerar ku soo yihiin gobalada Bay iyo Bakool.

Xaalada degmada Ceel Barde ayaa haatan ah mid degan, walow ay dadka ku dhaqan ay ka cabsi qabaan in lagu kor dagaalamo .

Saadaasha Dagaaladan  iyo soo galitaanka haatan ciidamada Itoobiya  ayay qeyb ka yihiin qorshe duulaan ah oo lagu wiiqayo awooda kooxaha ka soo horjeeda DFKM taasina waxaad moodaa in tiro inteed le eg ba in ay dhacday bal haatana waxaynu eegaynaa waxa ay kaga duwanaato kuwii hore lakin waxa meesh ku dhimanaya waa hooyo soomaaliyeed iyo aabo soomaaliyeed iyo waxa ay dhaleen iyo waxa ay sii dhaleen waxaana ku bara kacaya tiro intaa aan sheegay waxaa ku hanti beelaya isla ayagii uun lakin Ethopia iyo Kenya Iyo Jabuuti waa feestadooda oo qorshayaashoodii uun baa usoconaya iyo dhaqaalihii ay ka qaadanayeen reer galbeedka ee waxaa loo baahan yahay soomaalidu in ay tashato.

Leave a Reply

Copyright © 2010 Warsan Media ·