Dad Soomaaliyeed oo laga soo tarxiilay wadamada Kenya iyo Boqortooyada Sacuudiy Carabiya oo la soo gaarsiiyay Muqdisho

Published on February 2, 2010 by   ·   No Comments

dayarad Dad Soomaaliyeed oo laga soo kala Tarxiilay wadamada Kenya iyo Sacuudiga ayaa maanta laga soo dajiyay Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade Airport ee Magaalada Muqdisho.

 

Dadkani oo laga soo tarxiilay wadanka Kenya ee maanta la soo gaarsiiyay Magaalada Muqdisho ayaa gaaraya 9 ruux oo 8 ka mid ah ay dumar ahaayeen kuwaasi oo mudo 20 maalmood ah ku jiray Xabsi ku yaala wadanka Kenya kadib markii ay qab qabteen ciidamada Booliska ee wadanka Kenya.

 

Fartuun Muxumed Maxamed oo ka mid aheeyd dadkii maanta laga  soo tarxiilay wadanak kenya oo u waramaysay Warbaahinta Muqdisho ayaa sheegtay in mudadii ay ku jireen gacanta ciidamada Kenya loo geystay jirdil aad u xoogan waxaana ay xustay in dhalinyarada intooda badan dhibaato xoogan ay u geysteen ciidamada Kenya.

 

Sidoo kale in ka badan boqol ruux oo Soomaali ah islamarkaana laga soo tarxilay wadanka Sacuudiga ayaa maanta laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho kuwaasi oo isugu jiray Caruur Haween iyo dhaliyaro markoodii hore ka cararay dagaalada ka jira wadanka Soomaaliya.

 

Mid ka mid ah dadkii  ku sugnaa garoonka diyaaradaha xiligii dadka Tarxiilka laga soo dajinayay ayaa waxaa uu warbaahinta Muqdisho u sheegay in dadkaasi laga soo tarxiilay wadanka Sacuudiga.

 

Si kastaba ha ahaatee ciidamada wadanka Kenya ayaa maalmihii la soo dhaafay xadka Soomaaliya waxaa ay soo gaarsiiyeen qaar ka mid ah dhalinyaradii dhawaan ay ka qab qabteen  Magaalooyinka waaweyn ee wadanka Kenya iyadoo qaar ka mid ah dhalinyaradaasina  ay haatan ku suganyihiin Magaalada Dhoobley ee Xadka Wadamada Kenya iyo Soomaaliya.

Readers Comments (0)

Comments are closed.