Dalalka Reer galbeedka oo ku gacan sayray bacraminta Uraniom-ka ay Iiran shaaca ka qaaday

Published on February 8, 2010 by   ·   No Comments

gantaalWaxaa isa soo taraya jawaabaha ay dowlado badan oo reer galbeed ah ka bixinayaan amarkii uu Madaxweyne Maxamuud Axmadi Najaad uu wakaalda Nuclear-ka dowladiisa kusiiyay in ay bacramiso 20% Uraniomta ay hayso,iyadoona 5% ay hada bacramisan tahay.

Dowladaha Geman-ka iyo Britain ayaa dhaleeceeyay hadalka kasoo yeeray Madaxweyne Najaad oo ay sheegeen in uu dardar galinayo samaysashada hubka wax gumaada ee Nuclear-ka.

Wasiirka difaaca Maraykanka Ropert gates waxaa uu beesha caalamka ka dalbaday cadaadis degdeg ah oo Iiraan lagu saaro joojinta samaysashada hubka sida aadka wax u gumaada ee Nuclear-ka,iyadoona sida uu sheegay Gates ay jiraan dhaqdhaqaaq caalami ah oo shacabka Iiraan looga qaadayo cadaadiska ay dowlada Najaad ku hayso.

Wasiirka difaaca Germany Karal Tyodar waxaa uu ka gaabsaday dagaal lagu qaado Iiraan,iyadona sida uu Karal ka dhawaajiyay ay dhalin karto weerar lagu qaado Dowlada Iiraan khasaare aan dib laga xalin karin taas oo u baahan in laga fiirasado kahor inta aan lagu degdegin.

Karal Tyodar waxaa uu ku taliyay in dowlada Maxamuud axmadi Najaad laga cunaqabateeyo samaysashada Nuclear-ka si ay u fududaato in ay Iiraan joojiso samaysashada hubkaasi.

Cambaareynta ay dowladaha reer galbeedka usoo jeedinayaan Iiraan ayaa imaanaysa maalin kadib markii uu Madaxweynaha Iiraan Maxmuud Axmadi Najaad amar ku bixiyay bacraminta Uraniomta Nuclear-ka laga sameeyo.

Readers Comments (0)

Comments are closed.