DFKM ah ee uu Hogaamiyo Sh.Shariif Sh.Axmed oo Safiir uu Magacawday dalka Maraykanka

sh01Madaxweynaha DFKM ah ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ayaa si rasmi ah Safiir uu magacaabay dalka Maraykanka.

War Saxaafadeed uu kasoo saaray Xafiiskiisa madaxtooyadda Madaxweynaha ayuu si rasmi ah Wadanka Maraykanka Safiir ugu magacaabay Abuukar Cabdoow Carmaan.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu talaabadaas qaaday ka dib marki uu la tashtay La Taliyeyaashiisa iyo markii tala soo jeedin loo sameeyey.

Mudane Abuukar Cabdoow Carmaan oo iminka laga dhigay Safiirka DFKM ah ee Soomaaliya ee uu fadhiya Maraykanka, ayaa waxaa uu mudo badan ku noolaa dalka Maraykanka.

Waxaana lagu tiriyaa in uu ka mid yahay Aqoonyahanadda Soomaaliyeed magac ku leh dalkaas isla markaana la socda xaaladda iminka ka taagan dalka.

Hore dalka Maraykanka waxaa Soomaaliya Safiir uga ahaa Cilmi Ducaale, kaas oo isla markaana ah Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay.

Arintaan ayaa imaanaysa xilli dhowaan Wasiirka arimaha dibadda ee DFKM ah Cali Jaamac Jangeli uu ku dhawaaqay in la xirayo Safaaraddo qaar oo ku yaala wadamada Caalamka gaar ahaan kuwa Qaaradda Yurub.sh.shariif

Leave a Reply

Copyright © 2010 Warsan Media ·