Wasiirka gaashaandhiga dalka faransiiska ninka lagu magcaabo Hervie Moran oo ka qeyb galayey kulan ay isugu yimaadeen magaalada Istanbul wasiirada gaashaandhiga gaashaanbuurta NATO aaya sheegay in dowladda faransiiska u dirayso dalka Afghanistan 80 askari oo dheeraad ah si ay uga qeyb gaataan hawlagalada isbahaysiga NATO uu kawado dalka Afghanistan ee looga soo horjeedo kooxaha ku kacsan xukuumadda uu madaxda ka yahay Xamiis Karasaay iyo joogitaan ciidamda shisheeye uu hogaaminayo dalka mareykanka.
Talaabadan ayaa ku soo beegmaysa toddobaad kadib markii ay Dowladda Jarmalka shaacisay in ay aqbashay baaqii madaxweynaha dalka mareykanka ee ciidamo tiro badan lagu geenayo dalka Afghanistan.
Haweenayda lagu magacaabo Angela Marcel ayaa sheegtay toddobaadkii la soo dhaafay in ciidamada dalka Jarmalka ka jooga Afghanistan ay ku kordhinayso 500 oo askari iyadoo ay horey uga joogeen wadankaasi inkabadan 4000 oo askari.
Dowladda Jarmalka ayaa xilligan u muuqata dalkii afraad ee taageeray qorshaha madaxweynaha mareykanka Brack Obama ee ciidamo tira badan loogu dirayo dalka Afghanistan.
Dabaayaqdii sanadii la soo dhaafay ayey ahayd markii ay dowladda mareykanka ay ku dhawaaqday in 30,kun oo askari u diraysa dalka Afghanistan iyadoo xukuumadaha Britain iyo Germany ay taageereen qorshahaas islamarkaana ay sheegeen in ciidamo dheeraad ah u dirayaan dalka Afghanistan.
Comments are closed.