Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlada KMG ah ee Soomaaliya Sh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa markii ugu horeysay ka dhawaajiyay in gurigii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya oo ku bur buray Dagaaladii ka dhacayay gudaha Muqdisho intii ay Dowlad aheyd Soomaaliya ayna maalmaha inagu soo fooleh laga furi doono kulamada Baarlamanka ee ugu soo horeeya.
Gudoomiyaha iyo wafdi uu horkacayay ayaa safar booqasho ah ku tagay Gurigii hore ee Umada oo gabagabo maraya Dayactir ay Dowlada KMG ah ku sameysay, waxaanu hadalkan ka sheegay Shir jaraaid oo uu bartamaha Guriga Umada ugu qabtay Saxaafada Magaalada Moqdisho.
Waxaa uu gudoomiyuhu hadalkiisa ku xusay dadaalada loo galay dib u soo celinta gurigii hore ee Umada oo Dowladii hore ee Siyaadbare uu ahaa mid aad umashquulsan oo ay danaha dawlada iyo tan guud uu ka socon jiray oo ahaa mid aad umashquulsan, taasina uu ku macneeyay Dadaal horu kac leh oo ay dowladu u gashay.
Sh. Aadan Maxamed Nuur Madoobe waxaa uu ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed iyo Qeybaha kala duwan ee Umada in ay gacan ka geystaan dib u habeynta lagu wado xaruntoodii si ay dib uga bilowdaan howlahii shaqo ee Guriga Umada.
Si kastaba ha ahaatee Waxaa uu gudoomiyuhu rajo ka muujiyay in todobaadyada soosocda ay guriga Umada ka furmaan kulamadii Baarlamanka maadaama lawada ogyahay in ay hakad ku jiraan kulamadii uu yeelanjiray Baarlamanka taasna ay ugu wacantahay in ay la’yihiin meelihii ay ku shiri lahaayeen.

