Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa kulan uu maalinimadii shalay uu Qahira kula qaatay Madaxweynaha Masar Maxamed Xusni Mubaarak,waxaa uu kulan kaasi kadib shir jaraa id oo uu saxaafada u qabtay ku adkaystay in aanu wax wada hadal ah l galayn Isreal hadii aysan joojin dhismayaasha sharci darada ah ee ay ka wadaan daanta galbeed iyo Qudus.
Maxamuud Cabaas waxaa uu sheegay in uu maamulkiisu diyaar uyahay wadahadal uu Isreal la galo,laakiinse waxaa ay imaanaysaa sida uu sheegay marka ay Isreal hakad galiso dhismayaasha sharci darada ah ee ay sida xooga ah uga dhisayaan deegaano kala duwan oo dhulka Falastiin ah.
Madaxweynaha Falastiin waxaa uu inta uu joogay Qahira kula kulmay xubno ka tirsan ururka Xamaas oo ay dowladiisa iska soo horjeedaan,waxaana kamid ahaa Khaalid Mishcal iyo wafdi kasocda Xamaas oo uu hogaaminayay,waxaana sida uu Madaxweyne Cabaas sheegay uu wadahadalkaasi qayb ka ahaa dhex dhexaadinta ay dowlada Masar ka dhex waday ururada Falastiin Fatax iyo Xamaas.
U qaabilsanaha dowlada Maraykanka bariga dhexe Goarge Mitchel waxaa uu sheegay in ay adkaynayaan mowqifyada kala duwan ee ay Falastiinyiinta iyo Isrea iliyintu kala taagan yihiin nabad kusoo dabaalida dhulalka laysku haysto.
Isreal marar badan oo uu caalamku usoo jeediyaya joojinta dhismayaasha sharci darada ah waa ay iska dhaga tirtay,iyadoona sida uu raysal wasaaraha Isreal Benyamin Natanyahu sheegay ku adkaysatay sii wadida dhismayaashaasi,iyadoona aanay jirin cid ay uga heebaysanayaan joojinteeda.

