Mid kamid ah Amiirada dalka boqortooyada Sucuudiga oo gacan qaaday wasiir Israeli ah

haloowIyadoo maalmahan shir sanadeed looga hadlayey arrimaha nabad gelyada caalamka uga socday dalal tiradooda boqol kor u dhaafaysa magaalada Munich ee dalka Germany ayaa waxaa maalintii shaley si lama fialan ah isu gacan qaaday oo ismarxabeeyey mid kamid ah Amiirada dalka boqortooyada sucuudiga oo lagu magcaabo Amiir Turki Al-faysal iyo kuxigeenka wasiirka arrimaha dibadda Israel Daani Ayaloon .

Amiirka ayaa ku micneeyey gacan qaadkiisa wasiir kuxigeenka Israel in ay timid kadib markii uu diiday Amiirku in uu garab fadhiisto wasiirka israa’iliga inta uu socday shirka islamarkaana uu go’aansaday in uu cudur daar ka bixiyo arrintaas.

Amiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in uu ka xumaaday qaabka uu ula dhaqmay wasiirka israa’iiliga safiirka Turkiga u fadhiya Tel Aviv iyo hadaladii uu wasiirku ku sheegay in dowladda sucuudigu aysan waxba u qaban shacabka filistiin marka laga reebo xoogaa dhaqlaale ay siiyo maamulka Maxamuud Cabaas.

Arrintaan ayaa waxa ay keentay in saxaafadda caalamka ay si aad ah uga hadasho iyadoo ka eegasya kala fogaanshaha xukuumadda boqortooyada sucuudiga iyo Israel oo ah meel dalalka carabta oo dhan laga necebyahay.

kadib markii ay soo baxday arrintaan ayaa waxaa saxaafadda la hadlay Amiir Turki Al-faysal oo horey u ahaan jirey madaxa sirdoonka Sucuudiga wuxuuna sheegay in arrintaan aysan ahayn in sucuudigu uu aqoonsan yahay Israel dal islamarkaana saxaafadu aysan buunbuunin gacan qaadikiisa mas’uulka Israa’iiliga ah.

Amiirka oo ah xubin sare oo katirsan qoyska haya talada dalka Boqortooyada sucuudiga ayaa ku nuunuuxsaday in uu cambaareenayo siyaasadda Israel ay kula dhaqanto shacabka filistiiniyiinta.

Leave a Reply

Copyright © 2010 Warsan Media ·