Afhayeen u hadlay hay’adda ICRC ee fadhigeedu yahay magaalada Geneva ayaa sheegay in mid kamid ah shaqaalaha hay’adda oo lagu magcaabo Loran Morris oo afduub loogu haystay galbeedka Sudan tan iyo bishii November ee sanadkii la soo dhaafay la sii daayey.
Afhayeenka ayaa intaas kudaray in xaaladda caafimaad ee Morris ay tahay mid wanaagsan balse uu dareemayo daal maadama 89 maalmood uu kujiray gacanta dableyda afduubatay.
Koox aan haybtooda la garanayn oo lamagac baxday Shabeelada xoreynta Africa ayaa horey u sheegatay afduubka Loran Morris , waxayna codsadeen madax furasho dhan 1 million oo euro.
Mas’uulka u qaabilsan laanqyarta cas dalka Sudan ninka lagu magacaabo George Di Rich ayaa cabiray farxadiisa ku aadan sii daynta isagoo uga mahad celiyey dadkii gacanta ka gaystay sii daynta mid kamid ah shaqaalaha hay’adda laanqayrta cas.
Dhanka kale wasiirka arrimaha dibadda farnsiiska Bernard Kushner oo ka hadlayey sii daynta Loran Morris ayaa ka codsaday dadkii ka qeyb qaatay sii daynta Morris in ay sidoo kale ka qeyb qaataan sii daynta lahaystayaasha kale ee wali ku sii jira gacanta afduubayaasha

