Raysal wasaaraha Pakistan Yousuf Raza Gilani ayaa ka hadlay kadib qaraxii xooganaa ee maalinimadii shalay ka dhacay Karachi,waxaana uu cambaareeyay dhimashada ay qaraxyadaasi sababeen xili lala beegsaday boqolaal shiica ah oo isugu yimid deegaankaas.
Qaraxa bambaano ayaa ahaa mid maalinmadii shalay dhawaqiisa laga maqlayay magaalada Karachi,iyadoona uu galaaftay nolosha in kabadan 25 qof iyo dhaawaca boqolaal kale.
Cisbitaalada magaalada Karachia ayaa noqday kuwo ay dhaawac buuxdhaafiyeen,iyadoona sida uu raysal wasaare Gilani uu sheegay ay qaraxyadaasi noqdeen kuwo colaad ka dhex abuuri kara dadka Suniga iyo kuwa shiicada ah ee wadanka Pakistan.
Ma jirto koox sheegatay in ay ka dambaysay qaraxaasi bambaano,laakiinse waxaa ay noqonayaan qaraxyada bambaano kuwo kucusub gudaha Pakistan oo ay horay colaadaha dagaalka iyo qaraxyada uu ka dhexeeyay ciidamada dowlada Pakistan iyo Daalibaaniyiinta koonfurta wasiiristaan oo awood kuleh inta badan wadankaasi.
Dowlada Pakistan waxaa ay qaraxyadaasi ku dhaleecaysay in ay ka dambeyeen kooxaha kasoo horjeeda ee dagalaada xoogan kula jira gobolo kamid ah wadankaasi Pakistan.

