Raysalwasaaraha Talyaaniga ayaa qaabilaad wanaagsan kala kulmay Dawlada Israaiil

Updated About:836 days ago

silvioRa’iisal wasaaraha xukuumadda talyaaniga ninka lagu magacaabo Silvio Berluscone ayaa shacbiyad balaaran kala kulmay xukuumadda iyo shacabka Israel , kadib booqasho uu ku tagay Israel halkaasi uu ku soo dhoweeyey dhigiisa Israel ninka lagu magacaabo Binyamiin Nitanyaho iyo qaar katirsan golaha xukuumadda Israel. Kadib markii uu Berluscone ka degay airport-ka caalamiga ee magaalada Tel Aviv ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay hawlka shirarka ee airport-ka ayuu Berluscone u sheegay saxafiyiinta in shacabka Israel uu yahay mid uu laabta jecel yahay islamarkaana uu yahay shacab nabadda jecel, waa suu Berluscone hadalka u yiriyee. Berluscone ayaa ugu baaqay Israel in ay ku soo biirto midowga Yurub , islamarkaana ku soo biiridda Israel midowga Yurub ay xoojinayso hamiga Israel ee ku aadan degnaanshaha iyo hergelinta dowlada yuhuud ah oo deris wanaag kula noolaata dalalka deriska la ah Israel . Dhanka kale ra’iisal wasaaraha Israel oo ka hadlayey shirka jaraa’id ayaa ku tilmaamay Berluscone in uu yahay mid kamid ah saaxiibadda ugu waa weyn Israel , islamarkaana booqashada Berluscone ee Israel ay tahay mid taariikhi ah oo baal dahab ah ka gelaysa taariikhda casriga , waa suu Nitanyahu u dhigay hadalkee.

Comments (0)

Comments are closed.