Seychelles oo noqotay dalka 2aad ee b/badeeda somali ah lagu maxkamadenayo

Published on February 7, 2010 by   ·   No Comments

Cambodia Khmer RougeWasiirka Deegaanka iyo kheyraatka dabiiciga iyo gaadiidka dalka Kenya ninka lagu magcaabo Jewell Morgan oo saxaafadda kula hadlayey magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa sheegay in jasiiradda Seychelles ay ogolaatay in ay noqoto dalka labaad ee lagu maxkamdeen doono burcadbadeeda soomaalida ee ay gacanta ku soo dhigaan ciidamda midowga Yurub ee ka halwgala badweynta hindiya.

Xukuumadda Seychelles ayaa gaarsiisay midowga Yurub ogolaanshaheeda in kuwa eedeysan burcadnimo ay dalkeeda ku qaadan doonaan xabsiyada dalakeeda mudada lagu xukumo.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in jasiiradda Seychelles ay muujisay rabitaankeeda in ay gacan ka gaysato ladagaalanka burcadbadeeda balse Kenya ay doonaysay in heshiis laga gaaro sidii loogu qaadi lahaa jasiiradaha Seychelles. 

Readers Comments (0)

Comments are closed.