Sh Xasan C/laahi Xirsi (Turki) oo ka mid ahaa Saraakiisha Xisbul islaam ayaa markii ugu horeysay xaqiijiyay in ay ku biireen Alshabaab Almujaahidiin ka dib shir Jaraaid uu ku qabtay Magaalada Baydhabo xarunta Gobolka Baay.
Sh Xasan Turki ayaa sheegay in ay Muhiib tahay in la midoobo mujaahidiintana Halmeel ka soo jeestaan, loona midoobo Dagaal ka dhan ah xoogaga Dowlada KMG ah iyo Ciidamada Shisheeye ee dalka kusugan waa sida uu hadalka u dhigaye.
Hadalka Sh Xasan Turki ayaa waxaa uu imanayaa xili maalmo kahor Shir jaraaid uu ku qabtay magaalada Muqdisho Madaxa ugu sareeya Ururka Xisbul islaam Sh Xasan Daahir Aweys uu ku sheegay in Xasan Turki uusan ka mid aheyn Xisbul islaam horayna uu uga baxay haatana uu yahay shaqsi ku biiray Shabaab.
Maanta ayay aheyd markii uu sh Xasan Turki xaqiijiyay in Isaga iyo Xubno kale oo ka mid ah cutubyo ciidan ayku biireen kana mid yihiin Xarakada Shabaab Almujaahidiin.