Tirada dhimashada qarax ka dhacay magaalada Karbala ee Dalka Ciraaq oo sii kordhaysa

dabWaxaa sii kordhaya tirada dhimashada qarax ka dhacay magaalada Karbala ee koonfurta caasimada Ciraaq ee Baqdad,waxaana ay haatan gaartay dhimashada qaraxa gilgilay deegaankaas in kabadan 40 qof iyo dhaawaca 154 oqf oo ka agdhoawaa goobta lala beegsaday qaraxaasi khasaaraha badan dhaliyay.

Qaraxa ayaa sida ay laamaha amaanka ciidamada booliska Ciraaq  sheegeen ahaa mid lagu fuliyaya labo gaari oo laga soo buuxiyaya waxyaalaha qarxa kuwaas oo lala beegsaday kumanaan shiica ah oo xusayay xuskii 40-aad ee ay u dhigaan dadka shicada ah Xuseen Bin Cali ilaah haka raali noqdee oo uu Nabi Muxamad S/C/W awoowe u ahaa.

Goobta xuska ee uu qaraxu ka dhacay ayaa magaalada Karbala u jirtay 5 KM dhinaca bariga ,waxaana ay kumanaanka qof ee xuska samaynayay ay ahaayeen kuwo isbuurta kadib markii uu qarxaasi gilgilay goobta uu xuska Xuseen Bin Cali ka socday.

Taliye ka tirsan ciidamada booliska Ciraaq ee magaalada Karbala Cali Al qariiri ayaa sheegay in ay gawaarida qaraxa dhliyaya ahaayeen kuwo si qarsoodi ah uga badbaaday baaritaankii xooganaa ee ay kusamaynayeen gawaarida iyo dadka soo galayay maalmihii ugu dambaysay magaalada Karbala.

Qaraxan ayaa imaanaya xili dhowaan gudaha caasimada Ciraaq ee Baqdad qarax lagula beegsaday tobonaan shiica ah oo isku diyaarinayay xuska Xuseen Bin Cali ee ka dhacayay Karbala.

Wadanka Ciraaq tan iyo wixii ka dambeeyay sanadii 2002 waxaa kusoo badanayay gudaha wadankaasi, qaraxyada ku dhisan Madaahiibta ee lala beegsanayo dadka shiicada ah iyo kuwa suniga ah ee wada degen wadankaasi.

Leave a Reply

Copyright © 2010 Warsan Media ·