Ciidamada booliska Isreal ayaa dib uga laabtay masaajidka barakaysan ee Al aqsa kadib dhagax tuur iyo rabshado ay kala kulmeen shacabka deegaanka iyo kuwii ku tukanayay masaajidka salaada jimcaha oo ay Ciidamada yahuudu damceenin ay xiraan.
Ciidamada yahuudu waxaa ay salaadii jimce ee maalinimadii shalay gabi ahaan u diideen in ay aaga masaajidka soo gaaraan gawaarida Ambalaska kadib markii ay rasaas iyo gaaska indhaha ka ilmaysiiyay ay la dheceen shacabkii ka gadoodsanaa xiritaanka Xaramka Ibraahiim oo ay yahuudu sheegeen in ay qufilayaan dadkii ku jirayna ku amray in ay isaga soo baxaan.
Qaar ka tirsan masuuliyiinta maamulka Falastiinyiinta ayaa maalinimadii shalay baaq u diray dowlada Maraykanka si ay wax uga qabato xasuuqa iyo duulimaadka xaq daradaha ee ay Isreal ku qaaday shacabka falastiinyiinta gaar ahaan kuwa masjidka Al aqsa.
Rabshadaha ka dhacay masjidka Al aqsa ayaa yimid kadib markii ay maamlimihii ugu dambaysay maamulka yahuudu ee daanta galbeed iyo qudus ay si xoog ah kula wareegayeen goobo barakaysan oo ay sheegeen in ay tahay goobo taariikheedyo ay horay u lahaayeen.