Ciidamada bada Faransiiska oo gacanta ku dhigay Burcda badeed Soomaali ah oo ka qawlaysanayay Marin Biyoodka Soomaaliya

Published on March 6, 2010 by warsan   ·   No Comments

kiasMarkab ay leeyihiin ciidamada bada Faransiiska ayaa gacanta kusoo dhigay 11 Burcad badeed Soomaali ah oo sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidmada  Midowga Yurub ay sheegeen in ay Burcad badeed weerar u geysteen maraakiib xamuul iyo kaluumaysato oo laga leeyahay Faransiiska iyo Spain.

Afhayeenka ciidamada bada Midowga Yurub Jonh Harbour ayaa wakaalada wararka AFB u sheegay in ay Burburiyeen labo ka tirsan gadiidkii ay Burcad badeedu wateen.

11 Burcad badeeda ayaa sida uu John Harbour sheegay ay qabteen xili ay marayeen bada u dhexeysa jasiirada Seycheles iyo xeebta Mombaso ee wadanka Kenya,waxaana Helicopter ay ciidamada Midowgu leeyihiin ay digniin u dirtay, kuna amartay in ay gacmaha kor u taagaan hubkii ay siteena bada ku daadiyaan.

kadibna Sadaasi ayaa Burcad badeedii ay ciidamada bada ee midowga Yurub kula wareegeen ,maalmihii ugu dambeeyay weeraro afduub ah oo isdaba joog ayaa ka socday  marin biyoodka  badweynta India.

Ciidamada bada Faransiiska oo horay loogu yaqaanay qabqabshada Burcad badeeda ayaan la ogayn in ay 11-kan Burcad badeeda ah ay kusoo wareejin doonaan dowlada Puntland oo ay horay u lahaayeen xiriir soo wareejinta iyo la dagaalanka Burcad badeeda waxa loogu yeero..

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.