Ciidamada Booliska Magaalada Faluuja ee gobolka Anbar ee wadanka Ciraaq ayaa baaritaan ku haya waxa sababay qarax weyn oo maalinimadii shalay ka dhacay magaaladaasi kaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 21 qof,iyadoona in kabadan 50 kale ay ku dhaawac meen.
Qaraxan oo ka dhacay bartamaha magaalada Faluuja ayaa sida ay dadka deegaanku sheegayeen ahaa mid ismiidaamin,iyadoona uu qof isa soo miidaamiyay uu soo dhex galay shaqaale ka shaqaynayay wadooyinka buburay ee magaaladaasi.
Taliye ka tirsan ciidamada booliska Ciraaq oo lagu magacaabo Bashaar Muxamed ayaa wakaalada wararka AFP u sheegay in uu qaraxu u ekaa mid ismiidaamin oo uu fuliyay qof isa soo miidaamiyay oo iska dhigay shaqaalihii dhismaha ku waday wadada uu qaraxu ka dhacay.
Magaalada Faluuja oo ku taala waqooyiga Ciraaq ayaa ahayd waayadan mid degen,iyadoona sida la wada ogsoonyahay ay Faluuja ahayd meeshii ugu xooganayd ee uu maraykanku sanadi 2006 kula galeen kooxaha hubaysan ee kasoo horjeeda joogitaankooda wadankaas.
Qaraxan ayaa kusoo beegmay xili gudaha wadanka Ciraaq indhaha ay shacabka wadankaas u taagayaan cidii ku guulaysatay doorashooyinka baarlamaaniga ah ee dhowaan ay u dareereen cod bixintiisa shacab 18 Million gaaraya,iyadoona uu haatan cododka doorashooyinka baarlamaaniga ah uu hogaaminayo xisbiga talada wadankaasi haatan haya ee uu raysal wasaaraha ka yahay Nuuri Al maaliki