Dagaal beeleed sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa galabta mar kale waxaa uu ka dhacay tuulo hoostagta deegaanka Bacadweyn ee gobolka Mudug.
Abaari 5-tii galabnimo iyo qadar 30 daqiiqo ayaa dagaal xoogan waxaa uu mar kale ka bilowday tuulo lagu magacaabo Quracle oo bariga 3 km ka jirta deegaanka Bacadweyn ee gobolka Mudug halkaasi oo mudooyinkii ugu dambeeyay ay isku horfadhiyaan maleeshiyo beeleed dhawaan ku dagaalamay.
Dagaalka ayaa waxaa lagu soo waramayaa in uu ka dhashay muran soo kala dhexgalay dhalinyaro halkaasi kuwada sugnaa kuwaasi oo sida la sheegay doonayay in ay soo booqdaan guryo halkaasi lagu gubay.
Dagaalka ayaa inta la ogyahay waxaa ku dhintay 2 qof halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen sida ay warbaahinta u sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka Camaara ee gobolka Mudug.
Dadka deegaanku waxaa ay intaasi ku dareen in 6-dii maqribnimo ee caawa uu dagaalka si iskiis u istaagay waxaana lagu soo waramayaa in dagaalkaasi uu sababay barkac ay sameeyeen dad reer miyi ah oo halkaasi ku sugnaa.
Majirto wax waan waan ah oo laga dhex bilaabay maleeshiyo beeleedyadii dagaalamay hase ahaatee Xaalada ayaa haatan waxaa ay tahay mid degan kadib markii ay istaagtay rasaastii ay isweydaarsanayeen labada dhinac.
Dagaalkan ka soo cusboonaaday deegaanka Bacadweyn ee gobolka Mudug ayaa imaanaya xili maanta odayaasha dhaqanka Hawiye iyo kuwa ka soo jeeda gobolka Mudug ay si wadajir ah ugu baaqeen in la joojiyo dagaalada ka soo cusboonaaday deegaanada gobolka Mudug.