Waxaa saaka ka dhacay magaalada Muqdisho dagaal u dhexeeya xoogagga ururka Al-shabaab iyo ururka Xizbul Islaam oo dhinac ah iyo ciidanka DFKM oo ay kaabayaan ciidanka AMISOM,Dagaalka xooggiisa ayaa waxaa uu ka dhacay qaybo ka mid ah Xaafadaha Degmada C/casiis ee Magaalada Muqdisho.
Xoogagga ururka Al-shabaab oo ku sugan Waqooyig Muqdisho ayaa waxaa ay dagaal ku qaadeen fariisamo ay ciidanka DFKM ku la haayeen Hotelka Global arinkaas oo sababtay in dagaal culus uu dhexmaro Al-shabaab iyo ciidanka DFKM.
Dagaalka saaka ayaa waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kale duwan dagaalka saaka ayaa waxaa uu markiisa hore ku bilowday iska horimaad kooban oo markii danbe isku bedelay dagaal fool ka fool ah.
Ciidanka AMISOM iyo kuwa DFKM ayaa waxaa ay saaka rideen madaafiic fara badan iyadoo madaafiicdaas qaar ka mid ah ay ku dhaceen guri ku yaal Isgoyska Beexaani iyo Degmada C/casiis.
Ilaa 2 qof oo rayid ah ayaa ku geeriyooday halka 4 kalena ay ku dhaawacmeen ka dib Madfac ku dhacay guri ay deganaayeen dad rayid ah oo ku yaal Isgoyska Beexaani iyo Degmada C/casiis, ma jirto wax war ah oo ciidanka DFKM iyo xoogagga Al-shabaab iyo Ururka Xisbul islaam ka soo baxay oo ku aadan dagaalka saaka ka dhacay Muqdisho