Waxaa dagaalo diimeedyo ka dhacay wadanka Nijeria ku dhintay in ka badan 200 oo qof,iyadoona uu boqolaal kale dhaawac kasoo gaaray kadib markii ay dagaaladaasi saamayn ku yeesheen deegaano badan oo ku yaal bartamaha wadankaasi Nijeria.
Deegaanka Goss ee bartamaha Nijeria ayaa saraakiisha boolisku sheegeen in ay dhimashada ugu badan ee isku dhaca diimeed uu ka dhacay,iyadoona ay dad fara badan ka carareen guryahooda baqadin ay ka qabaan in lagu abaaro diinta ay haystaan.
Dagaala diimeedyada ka dhaca Goss ayaa ah kuwa soo noqnoqday iyadoona dowlada Nijeria marar hore ay ciidamo fara badan u dirtay deegaankaasi si ay dagaalada u xakameeyaan.
Dagaaladan cusub ee khasaaraha nafeed ee aadka u tira badan dhaliyay ayaa waxaa ay haatan labada dhinac ee masiixiyiinta iyo muslimiinta isku abaarayaan tuulooyinka ka agdhow deegaanka Goss ee bartamaha wadanka Nijeria.
Kooxaha dagaalamaya ayaa ah kuwa isku abaaraya beenaadyo iyo tooreeyo kuwaas oo mararka qaar is gowraca.
Dagaala diimeedyadan dib uga soo cusboonaaday Goss ayaan dowlada Nijeria wax war ah kasoo saarin,iyadoona aysan ilaa iyo haatan jirin wax ciidan ah oo ay dowlada Abuja u dirtay deegaanka ay rabshadaha ka dheceen ee bartamaha Nijeria.
Comments are closed.