Dooni kaluumeysi oo laga leeyahay Spain oo iska difaaacday weerar Burcad Badeed

Published on March 15, 2010 by   ·   No Comments

fanBUrcad badeeda Soomaalida ee ka qowleysta Xeebaha wadanka Soomaaliya ka agdhow ayaa dib uga hakaday Afduubka Dooni kaluumeysi o olaga leeyahay Spain ka dib markii ay iska Caabin kala kulmeen Ciidan Ilaalo ka ahayay Doonida Kaluumeysi.

Doonidan oo ahayd nooka Kaluunka Tuunaha qaada ayaa waxaa lagu magacaaba Txori Argi waxaana ay burcad badeedu ku weerareen Badweynta India Xilli ay ku jirtay Kaluumeysi meelu dhow Jasaiirda Seychelles

Captianka Doonida la weerary Santi Gaboa ayaa waxaa uu la hadlay Idaacada wadanka Spain isaga oo u sheegay in ay iska difaceen werar burcad badeed Somoaali aha uga Yimid Doonida Kaluumeysi ee ay la socdeen 30 shaqaale oo badankood u dhhashay wadanka Spain.

Weerarka Burcad badeeda ku qaadeen Doonida Kaluumeysi ee Txori ayaa waxaa ay u adeegsadeen Hubkala duwan iyaga oo iska Caabin xoogan kala kulmay Kooxo ilaalo gaar ahah ka hayay Doonida kuwaasi oo rasaas ku riday Jiri badeeda oo watay dhowr doonyaha dheereeeya ah.

Weerarka Doonida Spainish ka ayyaa waxa auu ka dhacay meel qiyaastii 80 Mile u jirta Xeebta Jasiirada Seychelles ee Galbeedka Qaaradani Africa sid ay sheegeen Shaqaalaha DOonida oo ka badbaaday Weerarka Burcad badeea

Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida ayaa Waxaay si aad ah xilligan ugu qaraab tagaan Xeebaha Jasiirada Seychelles halkaasi oo ah goob ay ku badan yihiin Gadiid badeedka Kaluumeysiga.

Sannadkii hore Dabayaaqadiisii ayay ahayd markii Kooxo burcad badeed Somaali ah ay xeebaha Seychelles ka soo qafaasheen Dooni kaluumeysi oo Spain laga lahaa taasi oo lagu magacaabo Alakarana oo ay la socdeen 36 shaqaale ah oo ukala dhashay wadamada Caalamka waxaana ay siidayeen ka dib markii ay qateen Lacag madaxfrusaho ah oo ka badan 3 Million oo dollar.

Afduubka Burcad badeeda ee Badweynta India ayaa mudooyinkan ah mid soo xoogeysanaya xilli wadamada Caalamka ee Dagaalka kula Jira Burcad badeeda ay bilaabeen inay howlgaladooda laba jirbaaraan iyagoo Dhawantana gacanta ku dhigay Tiradii ugu badaneyd ee Burcad Badeed ah kuwaasi oo qaarkood lagu soo wareejiyay Ciidamada Badda Ee Dowlada Puntland.

Readers Comments (0)

Comments are closed.