waxaana xafladii Furitaanka ka soo qaybgalay Hay adaha kala duwan ee dalakan Finland iyo bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan Finlnad kuwoodi waqtigu uu usaamaxay waxaana ka hadlay Gudoomiyihii hore ee Soomaali Lito Mudane Siciid Kaarshe Aadan isagoo ku dheeraaday waxqabadii ururka iyo baahida loo qaba goobtan oo kale madaama uu ururku awal ku jiray meel ka yar meesha hada ay usoo guureen runtiina waxay ahayd goob ka wayn goobtii hore isla mar ahaantaana la qalabeeyay oo galaasyo wx lagu bartana goobta lagasameeyay iyo kunpuyuutaro fara badan oo cusub oo loogu tala galay in umada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Finland looga faaiideeyo oo lagu baro inta aan aqoon kunbuyuutarka iyo macluumaad fara badan oo dadkii ka soo qayb galay ay dhamaantood aad ujeclaysteen wuxuuna ka yara sheekeeyay Gudoomiyihii hore ee Somali liito Horumarka ay ku talaabsatay intii ay jir Somali liito iyo heerarka ay maanta marayso oo lagu jiro 2010.
waxaa kaloo uu dadkii halkaasi isugu yimid usheegay in hada wixii ka danbeeya uusan ahayn GudoomiyahaSomali Liito Sababtoo ah Gudoomiyanimadii waa ay iga dhamaatay oo waxaan uwareegay shaqo kale oo mashruuc ay maalgalinayso hay ada Midowga yurub oo ay iska kaashanayaan Somali Liitto iyo Wasaarada Arimaha Gudaha ee wadankan Finland lakin wada shaqaynta waa halkeedi Somali liittana waxaad kala Xiriiri doontaa Masuuliyiinteeda oo xiriirka Somaliliitto waa sideedi oo wda shaqayn tu waa in ay sii socotaa aniga Siciid ahaana waxaad igala soo xiriiraysaan Mashruucaasi aan kor ku soo xusay Mahadsanidiin Markale ayaan dhamaantiin idin lee yahay kusoo dowaada Xarunta Cusub ee Ururka Midnimada Soomaaliyeed ee Finland (Soomali Liitto)
wax kale oo hadal ahi kama danbayn oo waxa ay ahayd oo kaliya Xarunta Cusub oo albaabka laga Furayay oo la baranayay kadibna waxaa la galay wada sheekaysi iyo inuu qofba qofka kale barto iyo cabitaankii iyo kafeegii iyo sanbuuskii oo ay dadkan aynu usoo guurnay ay aadka u xiiseeyaan hawshuna waxay ku soo gaba gaboowday sidaasi
Markalena waxaan lee nahay waa in ayka faaiidaystaan bulshadaa soomaaliyeed Xarunta Cusub ee Ururka Midnimda Soomaaliyeed ee SSomali Liitto







