Gudoomiyaha Maxkmadda sare ee DFKM Maxamuud Cumar (Indha-buur) oo eedeeyey xubno Wasiiro ah

Published on March 18, 2010 by warsan   ·   No Comments

haloGudoomiyaha maxkmadda sare ee DFKM Maxamuud Cumar Faarax (Indha-buur) ayaa waxaa uu maanta ku eedeeyay xubno ka tirsan golaha wasiirada DFKM in ay howsha Maxkmada sare ay faraha la soo galeen iyadoo uu sheegay inGarsoorku yahay mid madax banaan.

 

 

Gudoomiyaha Maxkamada sare Maxamuud Cumar Faarax ayaa sheegay in markii uu fara gelinta lagu hayo Garsoorka uu ka maqnaa dalka Soomaaliya balse fara gelintaas uu sameeyey Wasiirka Garsoorka Cabdiraxmaan Janaqow ,Wasiirka Wasaarada Kalluumeeysiga Prof Cabdiraxmaan Ibbi oo isagu wareegto ku sameeyey garsoorayaal uu amar ku siiyey in ay ka soo qayb galaan shirar wax looga qabanayo amniga arinkaas oo ah fara gelin cad.

 

Gudoomiyaha Maxkamada sare Maxamuud Cumar Faarax (indha buur) ayaa waraysi uu siiyey Idaacada laanta BBC-da ee Afka Soomaaliga waxaa uu sheega in aanu aqbali doonin, oo uu is casili doono ama sharciga la tiigsan doono.

 

Gudoomiyaha Maxakamada sare Maxamuud Cumar ayaa sheegay in Golaha Garsoorka ee DFKM uu lahayn awood sidaas darteedna mararka qaarkood ay indhaha ka laabtaan khaldaad ay galaan Golayaasha xukuumada ee DFKM ee haatan ka hawlgasha  Magaalada Moqdisho kana .

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.