Hogaanka Jaamacada Carabta ayaa waxa uu ugu baaqay dalalka Carabta in dowladda Soomaaliya ay garab ka siiyaan dhinaca dib u heshiisiinta.
Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Caamir Muusaa ayaa ugu baaqay dowladaha Carabta in dowladda KMG Soomaaliya ee u hogaamiyo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed in laga taageero dhinacyada dib u heshiisiinta si ay ugu suurtagasho fulinta barnaamijyadeeda ku aadan nabad ku soo dabaalidda wadanka Soomaaliya iyo in dib u heshiisiin guud laga sameeyo dhinacyada is ku haya dalka Soomaaliya.
Mr Camir Musaa ayaa tilmaamay in Jaamacada Carabta ay bilowday wadatashiyo ay la sameynayso Ururada Midowga Africa, Midowga Yurub iyo Ururka islaamka si loo xoojiyo arimaha dib u heshiisiinta ee dalka Soomaaliya, iyadoo arintani iskaashi lagala sameeynayo madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Waxa uu hoosta ka xariiqay xoghayaha guud ee Jamacad Carabta Caamir Muusa in mudnaanta 1-aad la siiyo arimaha dib u heshiisiinta si xal looga gaaro dhibaatooyinka ka taagan dalka geeska Africa ku yaala ee Soomaaliya.
Hadalkani ka soo yeeray Ururka jamacada carabta ee ku aadan in dowladda KMG Soomaaliya laga taagero dhanka arimaha dib u heshiisinta ayaa waxa uu imaanaya maalin kadib markii madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu ugu baaqay dhinacyada ka soo horjeeda dowladiisa in ay wada hadal la galaan .
Comments are closed.