Waxaa shalay xarunta wasaarada Haweenka iyo Arrimaha qoyska lagu soo gabo gabeeyay Kulan 3 casho uga socday labatan Hayadood oo maxali ah kana shaqeeya nabadaynta, isla markaasna ka kala yimid Gobolada Nugaal iyo Sool,ayna soo Qaban qaabiyen Ururadda Kaalo iyo Geedka Nabada waxaana ay ku baranayeen sida loo xaliyo khilaafaadka sida uu sheegay Maxamed Ismaaciil oo ka tirsan Ururka Geedka Nabada
Ciise Ciise oo ah madaxa Hayadda Unecso oo isna ka hadlay ayaa sheegay in dhaqalaha ay bixisay Dowlada Jaban ayna u soo marisay Hayadda Unesco loona bahan yahay wixii la bartay in looga faaiideeyo dadka aan nasiibka u helin tababar ku saabsab, Ciise waxaa kale oo uu ugu baaqay in Xoogaga isku haya Muqdisho ama koonfurta soomaaliya in qaataan nabada
Wasiir ku xigeenka Axmed Cawaale Cigaal wasaarada dhalinyarada iyo Isportiska oo isagu si rasmi ah u soo xiray Tababarkaan ayaa uga mahad celiyay Hayadihii soo qaban qaabiyay, Cawale waxaa uu xusay in aysan ku farxayn dhibaatada ka taagan koonfurta soomaaliya oo loo bahan yahay in loo duceeyao in ilahay Nabad ka dhigo Soomaaliya, nabaduna waxaa ay tahay in lagu faro adaygo oo la ilaashado
Hayadihii ka soo qayb galay ayaa iyaguna sheegay in ay aad ugu faarax san yihiin tababarkaan ku saabsanaa nabadaynta iyo xalinta khilaafaadka oo ay balan qaadeen in ay uga faaiidayn doonaan cida aan nasiibka u helin