Madaxwaynaha Maraykanka Obama oo uhanbalyeeyay dawlada ciraaq iyo shacabkeeda

Updated About:802 days ago

opamaMadaxweynaha Maraykanka Brack Obama ayaa shacabka Ciraaq ugu hanbalyeeyay ka qayb qaadashadoodii doorashooyinka baarlamaaniga ah ee maalinimadii shalay ka dhacay wadankaasi Ciraaq.

Doorashooyinka oo u dhacay sidii loogu tala galay ayaa hadan waxaa bar bar socday weerarada qaraxyada iyo madaafiicda ah eel ala beegsanayay xarumaha ay codbixintu ka socotay,iyadoona in kabadan 38 qof ay ku dhinteen qaraxyadii ka dhacay caasimada Ciraaq ee baqdad.

Obama waxaa uu sheegay in ay shacabka malaayiinta gaaraya ee maalinimadii shalay ka qayb galay doorashooyinka Baarlamaaniga ah ay u bareereen hagaajinta wadankooda iyo in ay dhagaha ka qabsadaan kooxaha rabshadaha wada ee wadankaasi.

Obama waxaa uu ciidamada amaanka Ciraaqiyiinta iyo kuwa kale ee ku sugan wadankaasi ku amray in si gaar ah isha loogu hayo goobaha codbixinta oo ka badnaa 50 goobood,iyadoona uu tacsi u diray shacabkii ku waxyeeloobay duqaymaha ay kooxaha mucaaradku la dheceen goobaha cod bixinta.

Qaraxyada iyo dhimashada ayaa ahaa kuwo maalinimadii shalay ka barbar bilowday doorashooyinka baar lamaaniga ee ka dhacay guud ahaan wadanka Ciraaq.

Comments (0)

Comments are closed.