Madaxwaynaha Soomaaliya oo soo gaaray Caasimada wadanka Kenya ee Nayropi
Published on March 7, 2010 by warsan · No Comments
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka duulay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxayna gaareen magaalada Nairobi wafdiga ayaa caawa fiidkii ka soo duulaya Nairobi waxayna bari subax soo gaarayaan hadii alle raali ka dhigo Magaalada London ee cariga ingiriiska oo si wayn looga sugayo
Wafdiga Madaxweynaha ayaa intii ay ka soo duulayeen garoonka waxaa madaafiic ay ku soo tuureen mucaaradka Dowlada KMG garoonka balse way ku fashilmeen sida wararku sheegayaan waxaana lagu soo waramayaa in ay waxa ay shacab wax ku noqdeen halka Mucaaradka xagoodana wax war ah lagama hayo.
Wafdiga madaxweynaha waxaa ka mid ah Sida uu noo sheegay waryaheena ku sugan caasimada Soomaaliya, Gudoomiyaha Maxkamada sare Maxamuud Faarax Indhabuur, R/wasaare ku xigeen ahna wasiirka Maaliyadda Shariif xasan Sh. Aadan, wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta C/risaaq Cismaan Jurille, Wasiirka haweenka iyo Arimaha Qoyska, Fowsiyo maxed Sheekh, iyo Xubno klae,wuxuuna madaxweynuhu gaari doonaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo uu uga sii gudbi doono wadanka Ingiriiska.
Qaar ka mid ah wafdiga madaxweynaha ayaa waxa ay hadda Ku sugan yihiin dalka kenya kuwaasoo isugu jira wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda KMG ee Soomaaliya si ay qayb uga noqdaan wafdiga uu hogaaminayo madaxweynaha.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku sii jeeda magaalada London ee dalka England oo uu casuumad rasmi ah ka helay masuuliyiinta dalka Britain, ,Sido kale wuxuuna halkaas kulamo kula yeelan doonaa madaxweynuhu Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Britain iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed.
Waxayna Noqon Doontaa Booqasho taariikhi ah oo wax badan ka bedeli doonta xiriirka saaxibtinimo ee ka dhaxeeya labada Dal, Sido kale waxay booqashadani si gaar ah ahamiyad ugu leedahay jaaliyadda Soomaliyeed ee ku dhaqan Dalka Britain, Waxaana la filayaa in kulamo balaaran uu ka qayb galaan madaxweynaha iyo Wafdigisa kuwaasoo lagu qaban doono magaalooyinka London Iyo Birmingham,Waxaana ka socda Dalka ingriiska Qaban qaabo balaaran oo lagu Soo dhawaynayo Wafdiga madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh axmed