Madaxweynaha Brazil oo bariga dhexe wadahadalo dhexdhexaadin ah ka bilaabay

Published on March 16, 2010 by   ·   No Comments

14144Madaxweynaha Brazil Luiz Inacio Lula da Silva ayaa waxaa uu socdaal dhex dhexaadin iyo nabad ku soo dabaalid ku marayaa qaar ka tirsan dalalka bariga dhexe,iyadoona

 

 

 

 

 

 

 

uu baaqashadiisii ugu horaysay uu ka bilaabay Isreal.
From left to right, Brazilian President Luiz Inacio Lula da ...

Lula da Silva ayaa la filayaa in uu socdaalo ku maro dalal badan oo ka tirsan bariga dhex,iyadoona socdaalkiisa Isreal ay ugu xigto Falastiin iyo Urdun.

Socdaalka Madaxweynaha Brazil ee bariga dhexe ayaa imaanaya xili Maraykanka iyo Isreal uu khilaaf uu ka dhex bilowday kaas oo salka ku haya Dhismayaashii ay dhowaan dowlada Neten yahu ku dhawaaqday xili uu deegaankaasi socdaal ku marayay madaxweyne ku xigeenka Maraykanka John bayden.

Luiz Inacio Lula da Silva waxaa uu socdaalkiisa bariga dhexe ay u sii googol xaaraysa tagitaankiisa wadanka Iiraan ee bisha May ee nagu soo food leh.

Wargeysyada kasoo baxa Brazil ayaa socdaalka madaxweynahoodu ku marayo bariga dhexe ku tilmaamay in uu lamid yahay safarkii boqorkii brazil yaanka ahaa ee lagu magacaabi jiray Dom Pedro uu sanadii 1876 ku maray dalal badan oo caalamka ah.

Socdaalka Madaxweynaha Brazil ee bariga dhexe ayaa waxaa ay xeel dheerayaal ku takhasusay siyaasada wadankaasi ay ku turjemeen mid ay dowlada Brazil sumacadeedii dhinaca siyaasada ee caalamka ay dib usoo celinayso,iyadoona ay mudo socdaalada dowlada Brazil ay ahayd mid gaaban.capt_photo_1268672607040-2-0

Readers Comments (0)

Comments are closed.