Mareykanka oo tageeraya Dawlada Kumeelgaar Soomaaliya ee Xarunteedu tahay Madaxtooyda Magaalada Moqdisho

Published on March 7, 2010 by warsan   ·   No Comments
14035Saraakiil Mareykan ah ayaa sheegay inay DF gacan ka siinayaan dagaalka ay la galayso Al-shabaab iyo Xisbul Islam, kaasoo lagu wado inuu todobaad gudihii ka bilowdo Muqdisho.
Taliyaha ciidamada DF ayaa isaguna ka sheegay Muqdisho in dowladiisu ay u diyaar garowday inay dagaal ku qaado kooxaha kasoo horjeeda, isagoo xusay inay ka saari doonaan dalka oo dhan, ayna marka hore qaban doonaan Muqdisho.

“Waxaa dagaalada looga horjeedo mucaaradka ka qaybqaadan doona ciidamo aad loo tababaray oo Mareykan ah iyo diyaaradaha dagaalka, kuwaasoo bartilmaameed ka dhigan doona goobo cayiman oo ay ku sugan yihiin mucaaradka” ayay wargeys kasoo baxa Mareykanka u sheegeen saraakiil magacyadooda qariyay.

Saraakiisha Mareykanka ayaa horay u sheegay inay dhinaca tababarka ciidamada iyo dhismaha Milateriga gacan ka siinayaan DF, iyagoo xusay inay guul u tahay in Mucaaradaka laga saaro dalka Somalia, waxayna ku tilmaameen halis weyn.

“Dowladu waxay adeegsan doontaa tabo ay kula dagaalanto maleeshiyooyinka kasoo horjeeda si loo yareeyo dhibaato gaarta shacabka, waxaana xiriir joogto ah la leenahay ciidamada Mareykanka ee Afrika ku sugan” ayuu yiri Gen. Max’ed Geelle Kaahiye oo dhawaan loo magacaabay Taliyaha ciidamada DF.

Gen. Geelle, wuxuu sheegay inay hayaan filimo muujinaya baraha ugu waaweyn ee ay kooxaha mucaaradka ah hubka dhigtaan, kaalmooyinka Mareykanka aan ka helaynana waa kuwo nagu dhiirigelinaya inaan la dagaalano mucaaradka.

Madaxa Ciidamada Mareykanka ee Afrika ku sugan Major-General Richard Sherlock ayaa sheegay in dowladiisu ay caalamka u dirtay baaq ku aadan inay gacan ka siiyaan DF sidii ay u soo celin lahayd amaanka guud ee dalka.

Al-Shabaab iyo Xisbul Islam oo dhinac uga soo wadajeeda dagaalka ay kula jiraan Dowlada ayaa sheegay inay diyaariyeen ciidamo ay isaga difaacaan AMISOM iyo DF iyagoo Muqdisho geeyay ciidamo ay tabababaro u soo dhameeyeen .

Kooxaha mucaaradka ah ayaa waxay gacanta ku hayaan inta badan dalka Somalia waxayna ku hanjabeen inaan awood looga saari karin, inkastoo DF ay heshay hub casri ah oo uu Mareykanku ugu deeqay si ay ula dagaalanto Mucaaradka.

 

 

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.