Midowga Yurub oo Soo dhoweeyey Heshiiska DFKM ah iyo Ahlu-Sunna Waljameeca

Updated About:794 days ago

hamidowUrurka Midowga Yurub ayaa ka hadlay heshiiski shalay magaaladda Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ku wada gaareen DFKM ah ee Soomaaliya iyo Culimadda Ahlu-Sunna Waljameeca.

Xogheyaha arimaha dibadda ee Midowga Yurub Haweenayda lagu magacaabo Catherine Ashton oo la hadlaysay Saxaafadda ayaa sheegtay in ay ku faraxsantahay in dhinacyadaas ay heshiis wada gaaran.

Waxaana ay hadalkeeda ku dartay in heshiiskaasi uu yahay mid ay aad usoo dhowaynayaan Golaha Sare ee Ururka Midowga Yurub,kuna tilmaameen mid nabad iyo deganaansho u horseedayso dalka Soomaaliya

Sidoo kale waxaa ay sheegtay in ay taageero iyo dhiiragelin u fidin doonaan dhinacyada heshiiyey si ay u hirgelayaan qodobada ay qalinka ku saxiixeen,iyadoo ay ugu baaqday in ay ku dadaalan dardar gelinta.

Mrs.Ashton ayaa ugu baaqday dhinacyada Mucaaradka in ay iyaguna kusoo biiraan dadaalada Nabadeed ayna joojiyaan dagaaladda

Comments (0)

Comments are closed.