M/weynaha dowladda KMG iyo wafdi uu hogaaminayo oo dalka ku soo laabtay

Published on March 16, 2010 by warsan   ·   No Comments

sharifWafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha dowladda KMG Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta dalka ku soo laabtay iyagoo ka soo degan garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

 

M/weyne Shariif Sh. Axmed iyo wafdigiisa ayaa waxaa ay ka soo kicitimeen magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, iyadoo M/weynaha uu soo maray wadamada Isutaga Imaaraadka, Kenya iyo Ingiriiska.
Waxaa M/weynaha dowladda KMG socdaalkiisa uu ku soo maray dalalkaasi uu kula soo kulmay madaxda dalalkaasi, isagoo kala soo hadlay mushkiladda Soomaaliya iyo doorka beesha caalamka ay ku yeelan karaan xasilntooda.
Ka hor inta aysan soo degan M/weynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa la xidhay aadna ammaanka loo adkeeyay wadada dheer ee isku xidha xarunta madaxtooyada iyo garoonka diyaaradaha.

Waxaa lagu wadaa M/weynaha dowladda KMG inuu saacadaha soo socda ka xog waramo socdaalkiisa uu ku soo bixiyay dalalka dhowr ka ah.

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.