QM oo markale Eritreia ku eedeysay taakuleynta Kooxaha DKMG ka soo horjeeda

Published on March 15, 2010 by warsan   ·   No Comments

14138Warbixin aya soo saartay Qaramada Midoobay ayaa waxaa dhaliil loogu jeediyya taakuleynta ay Dowlada Eritreia siineyso Kooxahha Mucaaradka ku ah Dowlada Soomaaliya ee uu hogaamiyo Shariif Sheekh Axmed

Eedeynta Qaramada Midoobaay ee ku sococta Xukuumada Asmara ayaa waxaa lagu xusay in ay Eritrea ay weli wado taageero ay la garab taagan taahay kooxaha Mucaaradka Sida Alshabaab iyo Xisbul Islaam.

Gudi ka socda Qaramada midoobaya oo diyaariyay wrbixinta lagu eeedeynayo Asmara ayaa waxaa ay sheegeen in Ay Xukuumada Afawerki weli taageero military iyo mid kaleba siineyso kooxaha Dowlada ku kacsan waxana la sheegay in ay weli wado Siinta Hub iyo Agab kale oo dagaal Kooxaha Mucaaradka Soomaaaliya.

Gudigan Qaramada Midoobay ayaa waxay Sheegeen in Ay tagaeerada Xilligan ay bixxiso Asmara ay tahay mid ka yar tii hore balse weli ay qeyb ka atahay hurinta Xaalada ka taagan wadanka Soomaaliya

Dhawaantan waxaa ay QM u dalbeen in cunaqabteyn la saaro Xukuumada Eritria taasi oo ku aadan Taageerada ay siiso kooxaha Dowlada ku kacsan ee Islaamiyinta ah waxaana cunaqabteyntaasi oo ay dalbayeen dalal u mareykanka ugu horeeyo la saaray Dowlada Eritreai laakiin waxaa weli Lagu eedeynayaa Xukuumada Asmara Taakuleynta Kooxaha Mucaaradka

GUdiga Qaramada Midoobay ee soo saraay warbixintya weli ma aysan sheegin talaabada xigata ee laga qaaday Xukuumada Afawerki oo la sheegay inayasan kaa waantoobin taakuleynta dhinacyada Soomaaliya

Dowlada Eritrea weli jawaab kama so saarin hadalka aka sooo baxay Gudiga QM eek u eedeyay inay Weli wado Hubka iyo saanad siinta Kooxaha Mucaaradka Dowlada Soomaaliya ee Shariif Sheekh Axmed uu hogamaiyo.

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.