Sarkaalkii lagaga guulaystay doorashooyinkii Srilanka oo wajahaya maxkamad

Published on March 16, 2010 by warsan   ·   No Comments

14142Sarkaalkii lagaga guulaystay doorashooyinkii madaxtinimo ee dhowaan ka dhacay Sri lanka Gen Sarath Fonseka ayaa sida ay dowlada Clombo ka dhawaajisay wajahaya Maxkamad Milatari,kadib markii lagu helay dambiyo siyaasadeed oo uu galay.

 

Sarath Fonseka ayaa la sheegay dambiyada lagu soo oogay in ay kamid tahay iyadoo uu isku dayay in uu si xoog ah u afgabiyo madaxweynaha haatan talada wadankaasi haya Mahinda Rajapaksa iyo in uu lug ku lahaa siyaasada intii uu taliyaha ciidan ka ahaa wadankaasi.

 

Madaxweynaha Sri lanka oo ay aad isugu dhowaayeen Gen Fonseka doorashooyinkii madaxtinimo ee bishii January ee aynu soo dhaafnay ka dhacay wadankaas ayaa amar ku bixiyay maalmo kadib markii la shaaciyay in uu dootashada ku guulaystay in xabsi la dhigo Fonseka si aanu qalalaaso ugu abuurin dowladiisa.

 

Gen Fonseka waxaa uu ahaa taliyihii ciidanka Sri lanka sanadii hore xiligii ay dowlada Clombo ay dagaalada adag kula jirtay jabhada shabeelada Tamil-ka oo loo yaqaanay Tamil Tagers kuwaas oo mudo 25 sano ah oo ay dagaalo kula jireen dowlada Sri lanka ay soo afjareen ciidan uu watay Gen Sarath Fonseka.

 

Maxkamadaynta Gen Fonseka ayaa imaanaysa wakhti uu ku jiro xabsi,iyadoona ay taageerayaashiisu ka dhur sugayaan maxkamadaynta haatan ay dowada Clombo sheegtay in ay maxkamada Milatari soo taagayso General-ka.

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.