Waxaa shirkii afar geesoodka ahaa ee maalinimadii shalay lagu soo gaba gabeeyay xarunta wadanka Ruush-ka ee Moscow lagu dhaleeceeyay Isreal,iyadoona lagu cambaareeyay dhismayaasha cusub ee ay dhowaan shaacisay in ay ka bilaabayso qudusta bari xili uu magaalada Qudus ku sugnaa madaxweyne ku xigeenka Maraykanka John Biden.
Waxaa bayaankii dhamaadka shirka laga akhriyay lagu soo dhoweeyay wadahadaladii nabada ee Falastiinyiinta iyo Isrealiyiinta oo dib u furma,iyadoona labada dhinac aanay wax shuruud ah ku xirayn wadahadaladaas.
Xooghayaha qaramada Midoobey Bankii Moon waxaa uu sheegay in uu ka walwalsan yahay xaalada bini aadanimo ee ka jirta marinka Qaza,iyadoona ay tahay in si degdeg ah loogu gurmado shacabka falastiiniyiinta ah e ku dhibaataysan deegaankaas wixii ka dambeeyay weerarakii gar darada ahaa ee ay Isreal ku qaaday Qaza.
Masuuliyiintii kasoo qayb gashay shirkii afar geesoodka ahaa ee lagu soo gabagabeeyay caasimada Ruushka ee Moscow ayaa waxaa ay mudo 24 maalin ah ay u qabteen Isrealiyiinta iyo Falastiinyiinta in ay dib wadahadaladii nabada ay u furaan.
Wasiirada arimaha dibada Maraykanka Hillary Clinton oo ka hadashay kulankii afar geesoodka ahaa ayaa diiday in uu jiro wax khilaaf ah oo soo kala dhex galay Maraykanka iyo Isreal.
Horay wasiirada arimaha dibada Midowga Yurub waxaa ay ku taliyeen in Qudus loo kala qaybiyo laba dhinac oo ay Falastiinyiinta iyo Isrealiyiinta kakala taliyaan,iyadoona ay dowlada Natanyahu gabi ahaanba ganafka ku dhufatay in ay taladaasi qaadato.
Comments are closed.