Siminaar looga hadlayay Aafada uu ulee yahay Qaadku Bulshada Soomaaliyeed ee Qurbajoogta ah

Published on March 9, 2010 by   ·   No Comments

dimiSiminaar Hal malin qaatay oo looga hadlayay Aafada uu qaadku ulee yahay Bulshada Soomasaliyeed ee ku nool Caalamka Gaar aaan kuwa ku nool Finland ayaa ka dhacay Xarunta Caasimada u ah Dalkan aanu ku nool nahay ee Finland waxaana soo qaban qaabiyay UrurkaMidnida Soomaliyeed ee Somai-liitto oo ah ururka kaliya ee Soomaida wadankan Finland ay ku midoobeen iyo wasaarada Waxbarashada.

 

 

Uguhorayntii waxaa shirka furay Gudoomiyaha Ururka Midnimada Soomaaliyeed ee Finland Mudane Mahdi Cabdulle oo sheegay u jeedada shirka iyo ajandihiisa oo ah wax yeelada Qaadka iyo dhibaatada uu ulee yahay Bulshada Soomaaliyeed Noocaydoonta ha ahaatee waxaa kaloo uu umahad celiyay wasaarada waxbarashada oo uu sheegay in ay suurtagalisay kasakow Ururka Midnimada Soomaaliyeed ee Somaliliitto iyo walaalihii ka soo shaqeeyay ee ku bixiyay shaqada faraha badan dhamaantiin ka soo qaybgalaysshana waanu iodin ka mahad celinaynaa siada aad uga soo qayb gasheen.IMG_2366

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

kadib waxaa hadalkii lagusoo dhaweeyey oo halkasi Kalmad wacdi Alle ka cabsi ah oo ku aadan mowduucan Qaadka iyo dhamaan Daroogada kala duwan oo runtii uu siwanaagsan oo uu udhaba galey ka soo jeediyay Iimaamkla Masjidka Al-Huda ama Helsnki Islamic Center Sh.C/risaaq Sugulle Maxamed oo runtii dadkii halkaasi isuguyimid ay aad uga heLeen warbixintii uu sheekhu halkaasi ka soo jeediayaysomqad

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Sargaal ka tirsan Booliska Finland oo lagu magacaabo Claus Hindrein  oo  isna ka hadlay  Wax yaabo badan oo ay is ticmaalaanpolis

 

Bulshada ajaanibta ah eek u nool Finland ay dhibaato u keeni karto Caafimaad koodaiyo jiri taanka Qofka oo uu sheegay in uu ka mid yahay Qaad cunusta ,xashiishada qamriga Daroogada la is ku duro oo dhamaan tood aan loo ogolayn in lagu gado Wadanka ama lagu cuno toona marka laga reebo qamriga oo la,ogolyahay oo uu ku til maa may in mar walba Bulshada aanu ku wacyi galino in aysan fiicneen cabida qamriga iyo wixii lamida

 

waxa uu sidoo kale ku ad keeyay in Qaadka iyo daroogada aan horay uga soo hadlayay

 

dhaaman aan la ogolay keenita iyo ka ganacsigeeda wadanka finland ciddii lagu qabtaana ay la kulmayso ciqaab danbiyeed iyadoo haatana ay uxir xirayihiin Sedex qof oo soomaali ah Muqaadaraadka Jaadka iyagoo mid walbana waxaa lagu xukumay Xukuno kala duwan runtii ninkaasi ka socday ciidamada waxa uu ahaa nin qibrad uleh Soomaalida iyo danbiyada faraha badan ay galaan Ajaaniibta kala duwan ee ku nool dalkan Finland

 

 

 

 

 

wuxuuna in badan la shaqeeyay dhalinyarada oo uu sheegay in ay soomaalidu ay ka mid ahaayeen dadka uu xusi karo oo gacan ka gaystay dhibaatada Soomaalida dhalin yaradeeda haysta sidii looga hor tagi lahaa waxa uu xusay Maxamed Musse Sujaac iyo Muqtaar maxamed Abiib kaalimo fir fir coon ka qaatay dhibaatadii dhalin yarada Soomaaliyeed ka gaysan jireen Centerka magaalada ama Faras magaalaha Caasimada wadankan Finland ee Helsinki.

 

 

 

 

 

 

 

waxaa kaloo Siminaarka ka hadashay Drs:  Mulki Mollsa oo ka mid Dhaqaatiirta  Soomaaliyeed ee wax ku bartay wadanka Finland oo iyadana faah faahinmulki

 

dheer ka bixisay wax yeelada Qaadka oo ay ku sheegtay Qaadka in uu sababo cudaro farabadan oo uu ka mid yahay kansarka, ku dhaca Calooysha, Afka ,Maskaxda, iyadoo

 

 

sheegtay in uu sababo in uu Qofku noqdo madhaleeys Iyo cudura fara badan oo aan halkan lagu soo koobi karin hadii aadame wax maqlayo ama uu Naftiisa caafimaad ahaan dhowrayo waa ay la hadashay dhaqtaradu markaasi bulshadii goobta soo xaadirtay inta kale ee aan bulshada soo xaadirina waxa ay kala socon doonaan mawduucan oodhan Idaacada warsan.

 

 

 

Drs. Mulki waxa ay Bulshada Soomaaliyeed uga digtay Qaadka cunidiisa iyo ka ganacsigiisa iyo waliba dhamaan waxyaabaha Maanka dooriya ee loo yaqaan Daroogada Taasoo hadii uu caadaysto runtii uu naftiisa iyo bani aadamka intiisa kale uu wax udhimayo aaqirkana laga yaabo in uu wax dilo ama ladilo

 

 

 

 

 

Gaba gabadii barnaamijka waxaa soo gab gabeeyay oo halkaasi Buug uu ka diyaariyay dhibaatada qaadka ku soo bandhigay Aqoonyahan Cabdirashid Cawad Diiriye oo kamida Gudiga Fulinta ee Ururka Midnimada Soomaaliyeed ee Somali Liitto.

 

Kadibna waxaa la guda galay Kafeegii iyo shaahii,Cabitaankii iyo Macmacaankii loogu tala galay ka soo qaybgalayaasha intaas ayaana lagu soo gaba gabeeyay Siminaarkii kusaabsanaa qaadka iyo dhibaatooyinka uu ulee yahay Bulshada oo dhan.

shab31shacabshacab11shcab1shcab2sjmxaan

Readers Comments (0)

Comments are closed.