Waxaa sii kordhaysa tirada dhimashada qarax goordambe oo shalay ah ka dhacay waqooyiga wadanka Pakistan gaar ahaan deegaanka qabaliga ee xuduuda wadamada Afganistan iyo Pakistan,waxaana inta la ogyahay tirada dhimashada haatan kor u dhaafaysa in kabadan 10 qof,iyadoona dhaawac uu 25 qof gaarayo.
Qaraxa ka dhacay deegaanka xuduuda waqooyi Pakistan ayaan la ogayn in uu ahaa mid ismiidaamin iyo in kale iyadoo qaraxa lala beegsaday goob isbaara ah oo ay ciidmada Milatariga Pakistan ku lahaayeen,waxaana uu ahaa mid ay ku le deen rayid badan oo saarnaa gaadiidka goobta isbaarad ah ka gudbaysay.
deegaanka uu qaraxu ka dhacay ayaa ah mid aan ka fogayn gobolka Wasiiristaan oo ay ciidamada Pakistan dagaalo adag uu ku dhex marayo dagaalyahanada Daalibaaniyiinta ee kasoo horjeeda.
Daalibaaniyiinta ayaa waayadii dambe ahaa kuwa dhuumalaysi kaga jiray duqaymaha diyaaradaha basaaska Maraykanku la beegsanayaan saraakiisha ururkaas,iyadoona hogaamiyihii ugu dambeeyayb ururkaasi Xakiimi Allaah Mascuud uu ku dhintay duqaymo ay diyaaradahaasi ugu geysteen deegaan ku yaal waqooyiga gobolka wasiiristaan ee wadanka Pakistan.