Mid ka mid ah xildhibaanada dowlada somalia oo dhawaanahan ku sugnaa guha Maamulka Puntland ayaa waxaa uu maanta ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii uu ka hayay barlamanka Somalia,
Shir Jara’id uu ku qabtay hoolka shirarka ee Hotelka Juba ee magalada bosaso ayuu Xildhibaan Siciid xasan Shirre ayuu ku sheegay in uu iska casilay xilkii Xildhibaanimo ee Fadaralka ka hayay
Sababaha ayuu ku sheegay in dowlada Somalia ay ku guul dareeysatay dhinacyada amniga dalka guud ahaan gaar ahaan magalada mogdisho oo xarun u ah barlamanka iyo dowlada qaybaheeda kala duwan,
Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in dowlada Somalia ay ku fashilantay heshiiski dhinac bada ee sharci darada ahaa ee dowlada la gashay dalka Kenya,
Xildhibaankani jagadiisi baneeyay ayaa waxaa uu ku doodaday in baarlaman ahaan ay si weyn uga dooden arimahaasi dowlada somaliyana ay u gudbiyeen hase ahaate dowlada ay waxba ka soo qaadi wayday Baaqyada barlamanka Somalia,
Waxaa uu sheegay in gudoonka barlamanka Somalia ugu sareya in ay ka dhaga adeegen dodo ka imaanayay qaybo ka mid ah barlamanka Somalia sida sugida amniga xubnaha baarlamanka oo aan xil la iska saarin
Siciid xasan shirre ayaa tibaaxay in dowlada haatan jirta ay kaba rooned dowladii hore ee Madaxweyne Abdullahi Yusuf isagoona ku sababeyay dhinaca gacan ku haynta Gobolada dalka Qaarkood oo dowladasi gobolo dalka ay gacanta ku haysay,
Siciid xasan shirre Xildhibaanka Iscasilay.
Mar uu ka hadalay xildhibaankaasi is casilay halka uu ku danbeyn doono ayuu sheegay in uu ka mid noqon doono bulshada reer Puntland
Is casilaada xildhibaankani ayaa ku soo beegmaysa xili xildhibaano ka socda dowlada Somalia ay Puntland u joogan xalinta khilaafadkii dhawaan soo kala dhex galay Dowlada Somalia iyo Maamulka Puntland
lamana garanayo waxa ay ka badali karto arintaasi is casilaada xildhibaankani wada hadaladii u socda Xildhibanada ka socda dowlada Somalia iyo Maamulka Puntland
Comments are closed.