waxaana ka soo qaybgalay oo soo agaasimay Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool Finland iyo Jaaliyada Gal Mudug waxayna ahayd Xafladii ugu balaadhnayd ee ka dhacda Dalkan Finland waana Markii ugu horeeysay oo Maamul Soomaaliyeed madaxdiisi ugu saraysay ay soo gaaraan Dalkan Finland Runtiina Madaxwaynaha Gal Mudug Maxamed Axmed Caalin isaga ayaa indhihiisa ku arkay una bogaadiyay Bulshada Soomaaliyeed ee Finland. Hadaba halkaasi waxaa isugu yimid oo ka hadlay jaaliyadaha Soomaaliyeed ee qurba joogta ah ee usoo haajiray dalkan Finland kadib markii ay ka soo carareen dagaaladii ahlliga ahaa ee ka qarxay Dalkii Soomaaliya halkaana ay ka soo jeediyeen qudbado kala duwan oo ku wajahan dhibka iyo dheefta ay kala kulmeen Dalkan Finland iyo sida ay ugu baahan yihiin in nabad laga helo Soomaaliya oo markaasi suurtagal ka dhigaysa in lagu noqdo ama loo dalxiis tago . Ugu danbayntiina waxaa halkaasi ka hadlay isaga oo kala qaybgalaya Munaasabadan balaadhan ee ay soo qaban qaabiyeen Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Finland Madxwaynaha Gal Mudug Mudane Maxamed Axmed Caalin oo qudbadiisu ay taabanaysay dhinac walba oo ay fahmi karaan bulshada Soomaaliyeed ee Finland maadaama uu isagu laf ahaantiis yahan Qurbajoog iyo arimaha Soomaaliya iyo waliba Gal Mudug hadaba Qud badahan oo dhan Maqal iyo Muuqaalba halkan ayaad ka daalacan doontaan ee daawasho
wacan.
Video Part 1
Part 2
Comments are closed.