Qarax siweyn looga maqlay qeybo badan oo ka mid ah magaalada maanta ayaa waxaa barqo nimadii maanta lagula eegtay kolonyo ka tirsan ciidamada Nabadilaalinta Amisom aaga kuliyadii hore ee Jaale siyaad ee magaalada Muqdisho.
Dad goob joogayaal ah oo la hadlay warbaahinta Muqdisho ayaa waxay sheegeen in kolonyada lala eegtay qaraxa ay ku wajahnaayeen garoonka Aadan Cade ee magaalada Muqdisho islamarkaana xili ay ka soo baxayeen kuliyadaasi ay ku qaraxday bam loo dhigay afaafkeeda hore.
Qaraxa ka dib waxaa la maqlay rasaas xoogan oo ay jihooyin kala gedisan ay u fureen ciidamada Amisom taas oo sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad iyagu aan waxba galabsan oo nawaaxigaasi ka ag dhowaa.
Waxaa laxaqiijiyay geerida Haweeney ku ganacsanjirtay meel aan sidaasi uga fogeen kuliyadii Jaale siyaad waxaana jira 2kale oo ku dhaawacmay qaraxa miino ee loo dhigay ciidanka Amisom .
Ilaa iyo haatan lama xaqiijin karo khasaaraha dhabta ah ee halkaasi ka soo gaaray ciidamada Amisom balse waxay sheegeen dad goob joogayaal ahaa xiligii uu falku dhacayay in ay jiraan khasaarooyin soo gaaray ciidamada Amusom .
Sikastaba ha ahaatee ma ahan markii ugu horeysay oo qarax lagula eegto magaalada Muqdisho ciidamada Amisom, balse qaraxani waxaa uu ku soo aadayaa xili 24tii aanu soo dhaafnay ay muqdisho ka dheceen qaraxyo kala duwan oo iyana loo geystay ciidamada dowlada KMG ah .