In kabadan 30 qof ayaa ku dhintay weerar ay Daalibaaniyiintu ku qaadeen koox dhisme ka waday wado ku taalo deegaanka Lashkar Gah ee gobolka Sangin Koonfurta wadanka Afganistan.
Weerarka ayaa sida la aamin sanyahay ay waxaa ay Daalibaanku qaadeen xili ay wadado dhisme ku socday,iyadoona shaqaalihii ku howlanaa ay ahaayeen kuwo mashquulsan.
Tirade dhimashada kooxda dhismaha waday ayaan ahayn mid cad,iyadoona haatan inta badan dadkii ay waxyeeladu soo gaartay ay yihiin kuwo lagu dabiibayo cisbtaalada deegaanka ay dhibtu ka dhacday ee Lashkar Gah.
Shaqaalaha dhismaha ka shaqaynayay oo aan lasoo gudbin magacyadooda Ayaa la aamin sanyahay in ay u badnaayeen Afganistaaniyiin,waxaana ninka u qaabilsan ilaalada shirkada shaqalaheeda la laayay Mohamad Qoadas ayaa sheegay in ay kamid ahaayeen dadkii geeriyooda 22 kamid ah ilaaladii shirkada iyadoona ay 16 kale kaga dhaawacmeen.
Daalibaaniyiinta oo la aaminsan yahay in ay qaadeen weerarka lagu laayay kooxda dhismaha ka waday wadada Lashkar Gah ayaan wax war ah kazoo saarin arintaasi,iyadoona haatan dowlada Afganistan ciidamo badan ay goobta usoo direen kadib weerarka.
Weerarada dagaalka tooska ah iyo qaraxyada ayaa ah kuwo weli ku xoogan Afganistan iyadoona haatan dowlada wadankaasi ay isu diyaarinayso in ay la wareegto amanaka wadankaasi.
Comments are closed.