Waxaa maalintii afaraad magaaladda Muqdisho ka dhacay dagaal sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac,waxaana uu u dhaxeeyey Ciidamada Dawladda oo gacan ka helaaya kuwa AMISOM iyo xoogaga mucaaradka ee kasoo horjeeda.
Dagaalka ayaa ka dhacay qaybo kamid ah magaaladda Muqdisho gaar ahaan goobihi lagu dagaalamaayay sida xaafadda Hodan iyo Howlwadaag,iyadoo sidoo kale ay jireen duqeymo.
Madaafic ku soo dhacay Suuqa Bakaaraha ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhaawacmeen inka badan 5-qof oo rayid ah. Dagaalka ayaa sidoo kale wararku ay sheegaayan in ay ku dhinteen ilaa 8-qof oo rayid ah.
Xaaladda magaaladda ayaa xilligaan ah mid degan,iyadoo dagaalku uu ka duwanaa kuwii saddexdii maalmood lasoo dhaafay ka dhacaayay magaaladda, waxaana dhinacwalba uu ku sugan yahay halkii dagaalku ka bilaamey maalintii Isniinta.
Dhimashada guud ayaa ka badan 80-qof,waxaana dhaawaca uu ka badanyahay 100-qof oo la jiifiyey isbitaalada.
Xarakadda Al-Shabaab ayaa maalintii isniintii ku dhawaaqday dagaal ka dhan Dawladda Federaalka iyo Ciidanka AMISOM, waxaana ay u qaylo dhaansadeen dhamaan xubnahooda ku sugan gobolada dalka, iyada oo lagu soo waramaayo in kooxo gurmad ah ay ku soo qul qulayaan Muqdisho
Comments are closed.