Golaha Wasiirada Dawladda Federaalka Oo Kulan Ku Yeeshay Muqdisho

Published on August 26, 2010 by   ·   No Comments

Golaha Wasiirada Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa kulankoodi todobaadlaha ah maanta ku yeeshay magaaladda Muqdisho gaar ahaan xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa shir gudoominaayay Raysalwasaaraha Dawladda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke,waxaana kasoo qaybgalay Wasiirada Xukuumada Federaalka.

Afhayeenka Xukuumada C/qaadir Maxamuud Walaayo oo kulankaas kadib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in looga hadlay arrimo badan oo ay kamid yihin dhaqaalaha,amniga iyo dhacdadii Hoteelka Muna.

Wuxuu sheegay in Wasiirka amniga qaranka uu kulanka kaga warbixiyey xaaladihi ugu danbeeyey ee dalka iyo weliba qorsheyaasha ay wado Dawladda ee ku aadan dhanka amniga.

Mr.Walaayo ayaa intaas raaciyey in Wasiirka Maaliyadda uu kulanka kasoo horjeediyey qorshe qabyo ah oo ku aadan in dib u habayn lagu sameeyo dhaqaalaha Dawladda.

Gaba gabadii kulanka ayay Wasiirada si kulul u canbaareyeen qaraxii dhowaan ka dhacay Hoteelka Muna ee magaaladda Muqdisho oo ay ku dhinteen Xildhibaano iyo Saraakil ciidan ka tirsan Dawladda Federaalka.

Readers Comments (0)

Comments are closed.